Friday, March 24, 2023
HomeWararkaMadaxweyne Biixi Oo Qaabilay Xildhibaannadda Kulmiye U Soo Baxay

Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Xildhibaannadda Kulmiye U Soo Baxay

    

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay dhammaan xildhibaannada golaha wakiillada uga soo baxay xisbiga KULMIYE doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomay.

Qaabiladaasi waxaa madaxweynaha ku wehelinayay madaxweyne ku-xigeenkiisa, iyo xubno ka mida golaha wasiirrada ee xukuumadiisa iyo hogaanka xisbiga Kulmiye.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn xubnaha cusub ee golaha wakiillada xisbiga KULMIYE dardaaran iyo  hogo-tusaalayn u jeediyey, waxana uu xubnaha cusub usoo jeediyey inay midnimada dhexdooda ilaaliyaan, kana shaqeeyaan danta deegaannadii laga soo doortay iyo danta guud ee qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan dhisayo oo ay ka go’an tahay sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isaga oo sharraxay sababaha keenay inuu noqdo qofka ugu mudan ee golahaas hoggaamin kara.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhinaciisa si waafi ah ula dardaarmay xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada uga soo baxay xisbiga  KULMIYE.

Waxaanu tilmaamay inay sugayso jid dheer oo shaqo, loogana fadhiyo in iyagoo metelaya bulshadii soo dooratay iyo qarankoodaba ay kaalin miisaan leh ka qaataan horumarka dalka.

Geesta kale, xubno kamid ah xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada oo ay kamid yihiin Xildhibaan Bashiir Xuseen Xirsi oo kasoo baxay gobolka Awdal, xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex.

Xildhibaan Cabdilaahi Muuse Cabdi oo kasoo baxay gobolka Saaxil, Xildhibaan Jaamac Abbokor Dubbe oo kasoo baxay gobolka Togdheer, xildhibaan Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo laga soo doortay gobolka Sool iyo xildhibaan Saalax Maxamed Diiriye, oo kasoo baxay gobolka Sanaag oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah uga mahadnaqay marti-qaadka uu madaxweynuhu u fidiyey mudaneyaasha cusub.

Waxaanay hoosta ka xarriiqeen inay xildhibaanno ahaan isku duuban yihiin, kana go’an tahay danta xisbiga ay kasoo baxeen iyo danaha qaranka is waafajiyaan, guul weyn oo uu magaceeda xisbiga KULMIYE leeyahayna ay kasoo hooyaan golaha wakiillada ee ay dhawaan ka hawlgeli doonaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)