News

Loolanka Maayarnimada Gabiley oo Cirka Isku Shareertay iyo Qiimaha Xildhibaanada lagu Kala Iibsanayo oo Gaadhay $100,000

Byadmin

Jun 14, 2021

Gabiley (Haldoornews)-Golaha Deegaanka Cusub ee Loo Doortay Degmada Gabiley ayaa La Filayaa Maalmaha Soo Socda inay Doortaan Maayarka Hogaamin Doona 13-ka Mudane ee Golahaasi ka Koobanyahay, Dhaqdhaqaaqyada Tartanka Ololaha Maayarnimo ayaa Durba ka Dhex bilaabmay Xildhibaanada Soo baxay oo ay Aqlabiyada leeyihiin labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo Wadani.

Musharaxa ugu Cadcad Tartanka Loogu jiro Maayarka Gabiley ayaa ah Mudane C/rashiid Haybe Faarax (Daacad) oo ah Xildhibaan Dhalinyaro ah oo Dalka Wax ku bartay isla markaan Shahaadada Heerka labaad ku Qaatay Maamulka iyo Maaraynta , Mudanahan ayaa ah Masuul Qunyar Socod ah oo Kalsooni badan ka haystay Guud ahaa Mudanayaasha la doortay iyo Dadwaynaha Reer Gabiley.

Sidoo kale Maayarkii hore ee Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa ah Xildhibaan kaliya ee kasoo hadhay Mudanayaashii hore ee Golaha deegaanka oo Dib loo doortay kaasi oo isna ku tartamaya Hogaanka Maayarnimada Gabiley, Waxaanu Si Wayn u Adeegsanayaa Lacago lagu Iibsanayo Xildhibaanada Mucaaridka ah si uu kursiga u hanto.
Mudanayaasha isbadal doonka ayaa Si wayn uga soo horjeeda in Maayarkii hore Mar kale kusoo Noqdo Hogaanka Golaha kaasi oo ay ku Eedaynayaan Ku takri fal Hanti umadeed oo ugu Wayntahay Guri Fooq ah ee ugu Dheer Magaalada oo uu ka Dhistay Hantida umadda kaasi oo Jid Gaar ah oo laami ahna usamaystay.

Maayarkii Hore ee Gabiley ayaa Madaxtooyada Geeyey Mudanayaal la sheegay in uu Laaluushay si uu ugu Sawiro Madaxwaynaha oo uu utusiyo in Dawladu Wadato, isla markaana Balan qaadyo loo Sameeyo, Musharixiinta madaxtooyada lageeyay Qaarkood Waxaa la socday Cuqaashooda oo la sheegay inay Madaxwaynaha Waydiisteen in haddii ay Taageeraan Musharax kulmiye ah in uu Wasiir ama Agaasime u magacaabo Beelohooda.
Musharaxa Aqlabiyada Golaha cusub Haysta ee Abdirashiid Daacad ayaa Filayaa inuu isku hayn karo bulshada Reer Gabiley ee uu kala Irdheeyay Maayarkii hore oo Jilibo ukala Xidhay magaalada isla markaana Qabyaalada Meel aad u Xun gaadhsiiyay oo aanay Dad Ehel ah oo Hal Jilib ka soo wada jeedaa is arki Karin.

Maayarkii hore ee Gabiley ayaa Magaalada ka Samaystay Kooxo Dhalinyaro ah oo Mushaharaad ku Qaatay Faafinta Borobogaandada, Difaacista maayarka ee Baraha Bulshada iyo Sidoo kale isku Dhufashada Qabaa’ilka Gabiley wada Dega.
Bulshada Gabiley ayaa Muujisay isbadal Wayn oo ay Siddeed (8) xildhibaan ku Kasbadeen Xisbiyada Mucaaridku kuwaasi oo la Filay inay Dareenka Bulshada ilaalin doonan isla markaana isbadal Togan ka Samayn doonaan Gobolka Gabiley.

Maxamed Maandhaye
Hargiesa Somaliland.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *