Friday, March 29, 2024
HomeWararkaXildhibaannada Golaha Wakiillada Ee Xisbiga Waddani Ka Soo Baxay Kuma Ayey Guddoomiye...

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Ee Xisbiga Waddani Ka Soo Baxay Kuma Ayey Guddoomiye U Magacaabeen

    

Hoggaanka sare ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxaa ay maanta kulan wadatashi ah la qaateen Xildhibaannada golaha Wakiillada ee Xisbiga WADDANI ka soo baxay.

Kulanka oo ka qabsoomay Huteel Ambsador ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi, Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyiin oo ay ka mid yihiin mudaneyaasha xilka wareejinaya.

Hoggaanka xisbiga WADDANI, ayaa Xildhibaanada ugu soo baxay golaha Wakiillada siiyay xog warran iyo talooyin ku aaddan waayo aragnimadooda shaqada golaha Wakiillada.

Waxaanay hoggaanka xisbigu kula dardaarmay Xildhibaanadan sidii ay uga dhabayn lahaayeen waxyaabaha bulshada Somaliland ka filayso ee ay Qaranka ugu igman yihiin iyo sidii ay ugu adkaan lahaayeen siyaasadda Xisbiga WADDANI ee ay ka soo baxeen, islamarkaana xoogga u saari lahaayeen sidii Isbahaysiga Mucaaradku ugu guulaysan lahaa shir guddoonka Golaha Wakiillada.

Xildhibaanada, ayaa waxaa ay dhankooda ka hadleen qorshahooda iyo sida ay uga go’an tahay taabbo-gelinta masuuliyadda loo igmaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version