fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMaxkamadda Sare Ee Somaliland oo Soo Saartay Jadwalka Natiijada Doorashada

Maxkamadda Sare Ee Somaliland oo Soo Saartay Jadwalka Natiijada Doorashada

    

Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa waxaa ay maanta soo saartay jadwalka rasmiga ah ee ansixinta natiijada doorashada Goleyaasha Deegaanka ee 20-ka degmo doorasho ee dalka.

Jadwalkan ansixinta natiijada doorashada ee goleyaasha Deegaanka, ayaa waxaa soo gudbiyay Maxkamadaha gobollada iyo kuwa degmooyinka dalka.

Maxkamadda sare ee Somaliland oo jadwalkan ku socodsiisay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegtay in ay wasaaraddu soo sheegtay wakhtiga la ansixinayo xubnaha lagu soo doortay doorashadii ka dhacday Somaliland 31-kii bishii May.

Maxkamadda sarre ee Somaliland, ayaa dhawaan loo gudbiyay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada.

Doorashadii Somaliland ka dhacday bishii May, ayaa waxa ay noqotay tii todobaad ee Somaliland ka dhacda, iyadoona ku soo dhammaatay si nabad gelyo ah, waxaana doorashooyinkaasi si weyn u bogaadiyay wadamada Caalamka iyo kuwa dalalka Afrika, iyadoona warbaahinta dunidu ay si weyn wax uga qortay qaabkii ay u qabsoontay doorashadu.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)