fbpx
Friday, April 26, 2024
HomeWararkaIsbedel Casri Ah oo Lagu Sameeyay Fagaaraha Maskal Ee Addis Ababa (Sawirro)

Isbedel Casri Ah oo Lagu Sameeyay Fagaaraha Maskal Ee Addis Ababa (Sawirro)

     Waxaa maanta la daah-furay Fagaaraha weyn ee ku yaalla bartamaha magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo isbedel aad u xooggan lagu sameeyay.

Munaasibada lagu daah-furayay Fagaaraha, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Batroolka Itoobiya Takele Uma, Madaxweynihii hore ee Itoobiya Mulatu Teshome,  Kuxigeenka duqa magaalada Addis Ababa Mrs. Adanech Abebe, safiiro iyo madax kala duwan.

Mashruuca dhismaha fagaarahan oo ay ku baxday lacag dhan 2.5 balyan oo birr oo lacagta waddankaasi wuxuu dhulka hoostiisa uu ku leeyahay ilaa iyo 1400 oo gaadhi goob la dhigan karo, dukaanno, makhaayado iyo waddooyin waaweyn oo ay gawaadhidu maraan.

Fagaarahan oo inta badan lagu qabto munaasabadaha siyaasadda iyo kuwa diinta, ayaa magaca ahaan loo yaqaanaa fagaaraha ‘Abiyoot’ ama ‘Maskal’.

Fagaarahan weyn ee Maskal, ayaa waxaa la sheegay inuu qaadayo dad ka badan 1.5 malyan oo qof.

Dhismaha fagaaraha oo lagu soo gabagabeeyay muddo hal sana ah, ayaa waxaa maalgeliyay maamulka magaalada Addis Ababa.

       

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir