fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaXisbiga UCID oo Maayirnimadii Uga Tanaasulay Cabdikariin Axmed Mooge

Xisbiga UCID oo Maayirnimadii Uga Tanaasulay Cabdikariin Axmed Mooge

    

Waxaa si rasmi ah maanta gelinkii dambe loo soo afjaray khilaafkii mudada badan taagnaa ee loogu jiray Maayirnimada Caasimada Hargeysa.

Khilaafkan loogu jiray Maayirnimada Caasimada Hargeysa, ayaa waxaa uu u dhexeeyay Cabdikariin Axmed Mooge ah murrashax ka soo baxay Xisbiga Waddani iyo Siciid Cabdisamad (Siciid Cudhay) oo isna ka soo baxay xisbiga Ucid.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa soo afjaray khilaafkaasi mudaba ka taagaanaa Maayirnimada Caasimada Hargeysa, isagoona guddoomiye Faysal sheegay in ka xisbi ahaan ay uga tanaasuleen Maayirnimada Cabdikariin Axmed Mooge.

Waxaanu guddoomiye Faysal sheegay in laba xisbi mucaarad ay markii hore ku heshiiyeen in Waddani qaato guddoomiyeha Wakiilada xisbiga UCID na qaato mayorka Hargeysa lakin ay ixtiraameen codka shacabka.

Geesta kale, Xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa isaguna uga mahadceliyay xildhibaan Cudhay tanaasulaada uu u sameeyay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)