Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWarsidaha Wales Online oo Warbixin Kaga Faallooday Dimuqraadiyadda Somaliland

Warsidaha Wales Online oo Warbixin Kaga Faallooday Dimuqraadiyadda Somaliland

    

Warsidaha Wales Online oo warbixin kaga faallooday dumuqraadiyadda Somaliland iyo Doorashooyinkii ka qabsoomay, ayaa sheegay in Somaliland Doorashooyinkii ka qabsoomay dalkeeda ay kaga rajaynayso Beesha Caalamka inay aqoonsadaan madax-bannaanidooda.

Warsidaha Wales Online, ayaa sheegay in 8000 oo muwadiniin reer Wales ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ay si weyn ula socdeen doorashooyinkii ka qabsoomay dalkooda hooyo.

Warsiduhu wuxuu sheegay in doorashooyinka  Goleyaasha Wakiillada iyo Dawladaha hoose ee dalku ay toddobaadkii hore a qabsoomeen Somaliland oo soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ku naaloonaysay madax-bannaani aan aqoonsi haysan.

Wales Online wuxuu intaas ku daray in cilaaqaad xoog leh oo dhinaca taariikhda ahi uu ka  dhexeeyo Somaliland iyo Wales, kaasi oo soo taxnaa ilaa Qarnigii 19-aad xiligaas oo dekedda Cardiff ay ahayd meesha ugu weyn ee loo dhoofiyo dhuxusha isla markaana badmaaxeyaasha Somaliland ay soo la socdeen Maraakiibta Ingiriiska.

Waxa kaloo uu weriyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay qoomamaynayso midowgii ay la gashay Soomaaliya oo ay dib ugala soo noqotay madax-bannaanidoodii 1991kii.

Wales Online wuxuu ku tilmaamay Somaliland dal nabdoonaa oo dimuqraadiyad shaqeynaysay ka jirtay illaa 1991kii, waxaanu xusay inay Somaliland tahay  meesha madaxweyneyaasheeda marka laga guulaysto ay aqbalaan natiijada oo ay awooda ku wareejiyaan si xasiloon.

Warsiduhu wuxuu tusaale u soo qaatay in natiijadii la yeedhiyey ee doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Somaliland laga guulaystay  xisbul-xaakimkii, waxaanu intaas ku daray in aanay wax rabshado ahi ka dhicin doorashooyinkii Somaliland ka qabsoomay.

Waxa kaloo uu sheegay in korjoogto ka socotay Ingiiska iyo 11 dal oo kale oo reer  Yurub ahi ay ka qaybgaleen doorashooyinkii Somaliland isla  markaana ammaaneen   hannaankii doorashadu u dhacday.

Iid Axmed Cali oo ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan Wales, ayaa sheegay in doorashooyinku u horseedi doonaan Somaliland aqoonsi ka raagay ee ay u qalanto.

Iid Axmed wuxuu sheegay in murrashaxii doorashada Baarlamaanka ugu codka badnaa oo la yidhaahdo Barkhad Jaamac Batuun  uu ka soo jeedo beelaha laga tirada badan, taasi ay caddaynayso inay Somaliland jabisay  darbigii qabyaaladda.

Mr. Iid Axmed wuxuu intaas ku daray inay Somaliland muujisay ilbaxnimo isla markaana ay ka caagan tahay kooxaha Argagixisada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version