fbpx
Wednesday, June 7, 2023
HomeWararkaHay’addaha Gargaarka oo Ka Digaya Macluul Ka Dilaacda Gobolka Tigray

Hay’addaha Gargaarka oo Ka Digaya Macluul Ka Dilaacda Gobolka Tigray

    

In ka badan 350,000 qof oo ku nool gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, ayaa waxaa haysta xaalado macluul, iyadoo malaayiin kalena ay halis ku jiraan, sida lagu sheegay qiimayn ay sameeyeen hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka kuwaas oo ku eedeeyay iska horimaadka musiibadii ugu xumayd ee cunno muddo toban sano ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay in madaxa gargaarka Qaramada Midoobay Mark Lowcock uu sheegay shalay in macluul ay ka jirto gobolka Tigray.

Waxaanu sheegay in tirada dadka ku jira xaaladaha macluushana ay ka badan tahay meel kasta oo adduunka ah, daqiiqad kasta tan iyo markii rubuc milyan Soomaali ah ay naftooda ku waayeen sanadkii 2011 kii.

5.5 milyan ee shacabka Tigray, ayaa badankoodu waxay u baahanyihiin gargaar cunno.

Colaada gobolka oo bilaabantay bishii November taas u dhaxaysay ciidamada Ehiopia oo garabsanaya kuwa Eritrea iyo kuwa jabhada TPLF, ayaa waxa ku dhintay kumanaan qof, iyadoona ku qasabtay laba million oo qof in ay ka qaxaan guryahooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)