Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaMaxaa Ka Soo Baxay Shirkii Isbaaheysiga Xisbiyada Mucaaradka

Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Isbaaheysiga Xisbiyada Mucaaradka

    

Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ee Ucid iyo Waddani, ayaa maalintii labaad shir ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Labada xisbi oo shalay ku dhawaaqay isbahaysi siyaasadeed, ayaa shirkoodu ku saabsan yahay sidii ay isaga kaashan lahaayeen doorashada shirgudoonka iyo maayarada magaalooyinka.

Labada xisbi mucaarad, ayaa marka la isku daro tirada xildhibaannada ee ay doorashada ka heleen waxay noqoneysaa 51 xildhibaan, taas oo ka dhigan in kuraasta aqalka Wakiilada oo ka kooban 82 xildhibaan ay mucaaradku heleen boqolkiiba 62 kuraasta.

Waana aqlabiyad xooggan oo ay ku doonayaan inay si wada jir ah ugu helaan shir guddoonka Wakiillada.

Mas’uuliyiinta shirkan ka qayb galay, ayaa sheegay, in shirka uu socon doono ilaa dhowr maalmood, iyada oo la iska kaashan doono sidii labadan xisbi ay u heli lahaayeen shir guddoonka aqalka Wakiilada iyo Maayarada magaalooyinka.

Shirkan labada xisbi mucaarad, ayaa waxaa la filayaa in ay ku soo biiri doonaan, mas’uuliyiin kale oo ka soo socda gobolo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)