Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan oo Khadka Telefoonka Ku Wadahadlay

Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan oo Khadka Telefoonka Ku Wadahadlay

    

Dowladda dalka Taiwan, ayaa Somaliland ugu hambalyeysay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiiladda iyo Goleyaasha Degaanka ee dhowaan Somaliland ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan Josef Wuu oo Khadka taleefanka kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo ka soo gaadhsiiyey dowladda iyo shacabka Taiwan Somaliland iyo madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Taiwan, ayaa waxaa uu ballan-qaaday in ay si dhow Somaliland ula shaqayn doonaan. iyadoo Taiwan ay 2 Milyan oo dollar ay ku taageertay doorashada Somaliland.

Dhinaciisana Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo Shacabka dalka Taiwan sidii ay ugu garab istaageen Dowladda iyo Shacabka Somaliland talaabadda dimuqraadiga ah ee ay qaadeen.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in labada dal ee Somaliland iyo Taiwan ay yihiin kuwo ka siman dhinaca bulshadda Dimuqraadiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)