Friday, March 24, 2023
HomeWararkaImaaraadka iyo Soomaaliya oo Heshiis is-afgarad Ah Kala Saxeexday

Imaaraadka iyo Soomaaliya oo Heshiis is-afgarad Ah Kala Saxeexday

    

Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad ah oo ay iskaga kaashanaya ka hortaga dambiyada la xidhiidha dhaqaalaha iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada.

Sida uu qoray wargeyska Gulf News heshiiskan waxaa dhanka Imaaraadka u saxeexay Cali Faysal Ba’Alawi, oo ah madaxa waaxda sirdoonka maaliyadda, halka dowladda Soomaaliya ay u saxeexdayAamina Cali, oo ah agaasimaha xafiiska warbixinada maaliyadda.

Ba’Alawi, ayaa sheegay in heshiiskani is-afgaradka ah lagaga gol leeyahay in la iska kaashado islamarkana la isku waydaarsado khibradaha la xidhiidha ka hortaga lacagaha sida sharci darada ah loo kala gudbiyo iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada.

Dowladda Imaaraadka, ayaa sidoo kale heshiis kan la mid ah la saxeexatay xukuumadda Bangaladesh.

Waxaana dowladda Bangaladesh u saxeexay heshiiskan Abu Hena Mohammad, madaxa sirdoonka maaliyadda Bangladesh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)