Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaHoggaamiyaha Xisbiga Bah-wadaagta Isbeddel-doonka Ee Tanzania oo Layaab Ka Muujiyey Doorashadii Somaliland

Hoggaamiyaha Xisbiga Bah-wadaagta Isbeddel-doonka Ee Tanzania oo Layaab Ka Muujiyey Doorashadii Somaliland

    

Hoggaamiyaha xisbiga bah-wadaagta isbadal-doonka ee dalka Tanzania Zitto Mwami Ruyagwa Kabwe, oo ka mid ahaa Goob-joogeyaashii ka qayb-galay doorashadii Somaliland ka dhacday dhawaan, ayaa sheegay in aanu weli arag doorasho u daah-furan sida tii Somaliland ka dhacday.

Kabwe oo Somaliland u yimid korjoogtaynta doorashooyinkii isku sidkanaa ee Somaliland ka qabsoomay 31 May, ayaa sheegay in doorashooyinkaasi ay ahaayeen kuwii ugu caddaaladsanaa ee uu abid arko.

“Waxaan ka qayb-galay korjoogtaynta in ka badan 7 doorasho oo ka dhacay waddamada Koongo, Malawi, Mozambique, Uganda sidookalena waxaan ka qayb galay doorashooyin ka dhacay Tanzania”. Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Xornimada, xalaalnimada iyo daah-furnaanta aan Somaliland ku arkay waa mid aan la labayn karin”

Kabwe oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka,  ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay doorashooyinka xorta ah ee ay galeen, isagoo sheegay in Somaliland ay qalbigiisa ku guulaysatay.

“Hambalyo dhamaan reer Somaliland, qalbigayga ayaad ku guulaysateen” ayuu yidhi.

Hoggaamiyaha mucaaridka dalka Tanzania iyo korjoogtadii kale ee ka socotay waddamada Afrika, ayaa isku raacay in doorashooyinkii 31 May Somaliland ka qabsoomay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)