Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaWarbaahinta Dunida oo Si Weyn Uga Faallooday Doorashooyinka Somaliland Ka Qabsoomay

Warbaahinta Dunida oo Si Weyn Uga Faallooday Doorashooyinka Somaliland Ka Qabsoomay

    

Warbaahinta kala duwan ee caalamka, ayaa maanta si weyn wax uga qortay nabadgelyadda iyo dimuqraadiyadda ay Somaliland uga qabsoomeen doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Warbaahinta caalamka ee warbixinada ka qoray doorashooyinka Somaliland, ayaa waxaa ka mid ahaa Telefishanka Aljazeera oo baahiyey in shacbiga Somaliland ay Isniintii maanta u dareereen doorashooyinka Wakiillada iyo Dawladaha Hoose.

Telefishanka Aljazeera, wuxuu intaas ku daray inay Somaliland qabsatay doorashadii Wakiillada oo muddo ka badan toban sanno muddo dhaaftay, halka Muddo xileedka Dawladaha hoosena uu kal-dhaafay afar sannadood.

Waxa kaloo Telefishanka Aljazeera uu intaas ku daray in Somaliland ay soo martiqaaday goobjoogeyaal caalami ah  iyo siyaasiyiin magac leh oo ka socda dalal kale oo Afrikaan ah oo korjoogtaynaya doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka.

Aljazeera waxa uu qormadiisa ku soo gabogabeeyey  in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii, iyadoo ilaa xilligaas baadi-doon ugu jirta aqoonsi caalami ah, kuna naaloonaysa dawladnimo madax-bannaan, isla markaana ay ka jirto xasilooni iyo lacag u gaar ah.

Greg Mills oo ah Agaasimaha  Koox goobjoogayaal ah oo fadhigoodu yahay Koonfur Afrika, ayaa sheegay in ay Somaliland dimuqraadiyadda iyo horumarka tusaale ugu tahay dal kasta oo Afrikaan ah oo doonaya inuu gaadho dimuqraadiyad iyo horumar.

Sidoo kale, Wakaalladda wararka Reuters, ayaa sheegtay in Somaliland oo Madax bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya 1991 ay Maanta qabatay doorashooyin Baarlamaan iyo gole deegaan taas oo cadayn u ah Xasiloonida buuxda ee uu dalkani ku naaloonayo.

Wakaalladda wararka Reuters, waxay xustay in saddexda xisbi ee ka jira Somaliland ay soo sharaxeen 246 Musharax oo u tartamaya 82 kursi ee golaha Wakiilladda waxay wakaalladu xustay In dad ka badan hal milyan oo qof oo ka mid ah qiyaastii afar milyan oo dega Somaliland ay isu diiwaangeliyeen inay Codkooda dhiibtaan Maanta.

Wakaalladda wararka Reuters, waxay intaas ku dartay in Madaxweynaha Somaliland iyo gudoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaridku ay Shacabka Somaliland ku booriyeen in iyagoo xor u ah cida ay dooranayaan ay codkooda u dhiibtaan si nabdoon.

Geesta kale, Warsidaha African Arguments, ayaa sheegay warbixin uu qoray ku sheegay in Somaliland oo muddo 30 sannadood ah aan la aqoonsani ay haddana jirto oo ay oo ay aqoonsi la’aan is-bixisay.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in aqoonsi la’aantu ay Somaliland waxtartay oo ay iskeed u gaadhay nabadgelyo, dawladnimo shaqeynaysa iyo dimuqraadiyad.

Wargeys  Shiine ah oo la yidhaa Macau Business, ayaa wax ka qoray doorashooyinka Somaliland waxaanu tilmaamay in doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka oo labaduba muddo dheer dib u dhacay saaka loo dareeray oo dadweynuhu ay u galeen sufuuf dhaadheer.

Macau Business, wuxuu soo xigtay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka oo shacbiga ku boorriyey inay si nabdoon u codeeyaan.

Waxa kaloo uu warsidahaasi tilmaamay in Daahir Axmed oo ah sarkaal Booliska ka tirsan oo ilaalinayey goob codbixineed uu u sheegay in doorashadu u dhacday si layaable oo codbixiyeyaasha qaarkood ay safka soo galeen intii aanu waaguba baryin.

Wargeyska Macau Business, wuxuu sheegay in dimuqraadiyadda Somaliland si weyn uga duwan tahay Soomaaliya oo ku fashilantay inay qabsato doorasho qof iyo cod ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version