fbpx
Monday, June 5, 2023
HomeWararkaSomaliland: Hooyo Iyada oo Codeyneysa Ay Fooshu Qabatay

Somaliland: Hooyo Iyada oo Codeyneysa Ay Fooshu Qabatay

     Hooyo kamid ahayd dadkii codkooda ka dhiibanayay doorashada isku sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee saaka qabsoontay Somaliland, ayay foosha qabatay xilli ay safka ku jirtay.

Hooyadan oo ku jirtay safka codeynta, ayaa doonaysay inay codkeeda ka dhiibato doorashada goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyadoona ka codaynaysay xaafada Daami ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Hooyadan oo isku diyaarinaysay inay u codeyso Barkhad Jaamac Batuun oo ah murrashax u tartamaya doorashada golaha deegaanka Hargeysa,  ayaa umushay Wiil, waxaanay u bixisay wiilkaas Barkhad oo ay ugu magac dartay murrashaxaasi oo ay codkeeda siinaysay.

Dhacdadan oo ah tii ugu horeysay ee ka dhacda Somaliland, ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo deegaanada Soomaalida.

Waxaa si habsami leh Somaliland uga soconaya doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka oo saaka guud ahaan dalka looga dareeray.

Doorashadan, ayaa waxa ay noqonaysaa tii todobaad ee Somaliland ka dhacda, Markii ugu horraysayna waxaa tartanka doorashada ka qeybgalaya xubno ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)