fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland oo Subaxnimadii Hore Ee Saaka Codkiisa Ka Dhiibtay Goobta Codbixinta...

Madaxweynaha Somaliland oo Subaxnimadii Hore Ee Saaka Codkiisa Ka Dhiibtay Goobta Codbixinta Ee Hay’adda Shaqalaha

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo subaxnimadii hore ee saaka codkiisa ka dhiibtay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu hore uga qaatay kaadhka codbixinta, iyadoo guud ahaan dalka maanta looga dareeray doorashada wakiilada iyo deegaanka oo isku sidkan.

Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay xarunta codbixinta waxa uu maray nidamkii muwaadiniintu u marayeen codbixinta isagoo hawl-wadeenadii ku sugnaa goobta u dhiibay kaadhkiisa codbixinta, ka dibna buuxiyey shuruudihii looga baahnaa qof kasta oo codbixiye ah oo muwaadin ah, isagoo qaatay waraaqaha codbixinta kuna riday sanaaduuqda codbixinta oo ah laba sanduuq oo wakiilada iyo deegaanka kala ah.

Markii madaxweynuhu gutay waajibaadkiisa muwaadinnimo waxa uu la hadlay warbaahintii ku sugnayd goobtaas, isagoo uu wehelinayey gudoomiyaha guddiga doorashooyinku, waxaanu madaxweynuhu dhammaan shacabka kula dardaarmay inay nabad ku codooyeen, isla markaana ay kayuuga isugu naxariistaan sida dadku u kala jilicsan yihiin.

Madaxweynuhu u shacabka faray inay sidii quruxda badnayd ee ay u ololeeyeen inay codkana u dhiibtaan, isaga oo sheegay in caalamku Somaliland indhaha ku hayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)