fbpx
Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaGuddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay In Codbixintu...

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay In Codbixintu Aanay Ka Dhicin Sanaag Barri

    

Somaliland ayaa beenisay warar ka soo baxay maamul goboleed Puntland oo sheegay in aanay codbixinta doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka ee Somaliland aanay ka dhicin deegaamo ka tirsan Barriga goboladda Sanaag.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland C/rashiid  Riyo-raac), ayaa waxba kama jiraan iyo warar ku tiri ku teen ah ku tilmaamay arrintaasi, isla markaana ay codbixinta doorashadu ay ka dhacday dhamaanba goobihii ay hore u qorsheeyeen ee goboladda iyo degmooyinka dalkoo dhan.

Waxaanu sheegay in guud ahaanba dalkoo dhan ay si nabad geliyo ah ku dhacday codbixintu. Waxaanu yidhi, “Waxba kama jiraan. Warkaasi waa ku-tiri-ku-teen. Hal meel oo Ceel-Hub la yidhaahdo, oo codayntu ka bilaabantay laakiin, maalinta badhtankeedii ay istaagtay baa jirta.

Meeshaana dhibaato kalena kama dhicin, wax kalena kama dhicin. Laba nin oo murashaxiin ah, oo ku tartamayay ayaa khilaaf iyo hawli ka dhex dhacday. Iyagana hadda xalkeedii baa la waddaa. Waanay dhamaatay hawsheedii. Waxa kale ee laguu sheegay ama aad hayso, waxba kama jiraan”.

C/rashiid Riyo-raac, waxa kaloo uu ka warbixiyay in codbixintu u dhacday sidii ay filayeen,  isla markaana aanay jirin wax caqabad ah oo ka hor timid. “Sidii aanu filaynay iyo si ka sii wanaagsan ayay u dhacday. Waxaan u mahad naqaynaa shacabka reer Somaliland ee u bislaaday doorashooyinka. Dhamaanba si nabadgeliyo ah ayay dalka uga socotaa.

Hal caqabad ah, oo naga hor timid, oo aan sheegi karaa ma jirto. ILLAAHAY SWT ayaanu ugu mahad naqaynaa. Dhamaan hawluhu si wanaagsan bay noogu socdeen, si wanaagsan baanay noogu dhaceen. Abaalkaana dadkii nala shaqaynayay iyo jaamacadaha iyo ciidamadda, dhamaanba Somaliland xukuumadda iyo xisbiyada, mahadaasi waanu u celinaynaa. Wax caqabad ah, oo aanu maanta sheegno, oo dhib ah, oo nagu yimid ma jiraan” ayuu yidhi C/rashiid Riyo-raac, oo u waramay idaacadda BBC.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa ka hadlay dadka codaynayay oo qaarkoodda goobaha magacyadoodda laga waayay, taasoo uu sheegay in ay xaliyeen.

Waxaanu yidhi, “Ma jirto adeeroow. Wax alla wax ka jiraa ma jiraan. Anigaa soo wada maray goobaha. Dhibaatadu waxa weeye, dadka iyo goobahoodii ayaa is waayay. Intii badnayd na waan saxnay, xarunta dhexe ee komishanka ayaana laga saxay dadkaa, qof waliba goobtiisii ayaa loo tilmaamay. Qof kaadh sita oo la waayayaa ma jiro.

Laakiin, dhibtu waxa weeye dadka dad badan baan waxva akhriyin, goobaha qaarna markii codkii batay ayaa la balaadhiyay, oo goobtiiba waxay noqotay shan goobood. Guryo kala durugsan baa la kireeyay, markaa waxaa laga yaabaa in qofkii halkii uu tago, kadibna goobtii saxda ahayd aanu helin.

Qof kaadh sita oo aanu codkiisii meel oolini ma jirto. Hawshaana waa la xaliyay, dadkaana goobahoodii ay ka codayn lahaayeen baa loo sheegay. saddex kun oo goobood bay dalka ka dhacaysaa codayntu, xarun dhexe (call center) ayaa jira, halkaas ayaana lagu xalinayaa”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir