Friday, March 29, 2024
HomeWararkaCodbixinta Doorashadii Wakiillada iyo Deegaanka oo Si Nabad Ah Ku Soo Dhamaatay

Codbixinta Doorashadii Wakiillada iyo Deegaanka oo Si Nabad Ah Ku Soo Dhamaatay

     Waxaa si nabad ku soo dhamaatay Codbixinta doorashadii goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland ee saaka ay u dareereen shacabka Somaliland ee ka qabsoontay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamud Cali (Riyo-raac) oo uu weheliyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in doorashadii maanta ka qabsoontay Somaliland ay si guul ah oo nabadgalyo ah ku soo dhamaatay.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, wuxuu mahadnaq iyo amaanba u diray Shacabka Somaliland oo muujiyay Bisayl iyo inay danta guud ka horumariyaan ta gaarka ah, waxaanu uu guddoomiyuhu xusay inay si wanaagsan ku soo dhamaatay doorashadu.

Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa ka dalbaday hay’addaha warbaahinta Somaliland inay taxadar wayn muujiyaan islamarkaana aanay sheegin natiijo aan ka soo bixin komiishanka doorashooyinka qaranka.

Waxaana doorashadan codkooda ka dhiibtay dad gaadhaya 1,065,847, kuwaa oo ka codeeyay 2,709 goobood oo loo asteeyay codbixinta.

Musharrixiin gaadhaya 246, ayaa u tartamaha golaha Wakiillada halka 552 ay u tartamayaan golaha Deegaanka.

Geesta kale, wararka naga soo gaadhaya goboladda iyo degmooyinka dalka, ayaa sheegaya inay deegaano badan ka soo xidhantay hawshii codbixinta doorashadu islamarkaana wixii hada ka danbeeya ay bilaabmayso hawsha tirinta Codadku.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version