fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaShil Gaadhi oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Berbera

Shil Gaadhi oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Berbera

    

Shil gaadhi oo dhimasho iyo dhaawac sababay, ayaa maanta ka dhacay duleedka Magaaladda Berbera gaar ahaan meel u dhow Kaantaroolka Galbeed ee Magaaladda Berbera.

Shilkan gaadhi, ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen inta ilaa hada la xaqiijiyey 4 Qof, halka 6 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Shilkan gaadhi, ayaa waxaa uu yimid kadib markii Laba gaadhi oo kala ah Bas iyo VITZ ay isku dhaceen.

Dadka dhintay Sadex ka mid ah, ayaa waxay ahaayeen Shaqaalaha Dekedda Berbera kuwaas oo saarnaa gaadhiga VITZ ah waxayna ku sii jeedeen Magaaladda Dacar budhuq si ay beri uga codeeyaan.

Waxaa kale oo dadkii ku dhaawacmay Shilkan lagu dabiibayaa Cisbitaalka guud ee magaaladda Berbera.

Somaliland, ayaa waxaa aad ugu soo badanaya shilalka ay gaadiidku geystaan, waxaa ugu badan ee keena shilalka ayaa ah gaadiidka yar-yar iyo gaadiidka waaweyn ee gobollada isaga goosha.

Boliisku waxay sheegeen in sababaha ugu badan ee keena shilalka gaadiidka Somaliland ay yihiin telifoonka mobile-ka oo dareewalladu isticmaalaan iyagoo gaadhigiina wada, xawliga loo wado gaadhiga iyo taxadar la’aan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)