fbpx
Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland oo Shacabka U Diray Farriin La Xidhiidha Doorashada

Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka U Diray Farriin La Xidhiidha Doorashada

    

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland u diray farriin la xidhiidha doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, waxana uu ugu baaqay inay bulshadu si nabad ah u codayso, isaga oo  guul taariikhi ah ku tilmaamay in si nabadgelyo ah lagaga soo gudbay ololihii doorashada iyo waqtiyadii diyaargarowga ee ka horreeyey.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay Shacabka Somaliland iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka oo ay saddexda xisbi qaran kamid yihiin ugaga mahadnaqay sidii xilkasnimada lahayd ee ay qaybta uga ahaayeen hirgelinta doorashadan, isaga oo xildhibaannada golaha wakiillada ee xilku kasii dhammaanayona ku ammaanay kaalinta ay ku lahaayeen doorashada iyo shaqadii adkayd ee ay qarankooda u qabteen muddadii ay kuraasida ku fadhiyeen.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si waafi ah u sharraxay ujeeddada laga rabo doorashooyinka maalinta berri ah dalka ka qorshaysan iyo qaran ahaan waxa laga doonayo inay inoo keenaan, waxana uu yidhi, “Doorashada waxaynu ka doonaynaa in Somaliland taladeedu mid noqoto oo gobol kasta iyo cid kasta oo deggen iyo qof kasta oo Somaliland ah ka u bariyeeya iyo ka u galbeedeeya waxanu doonaynaa inay talo midaysan, iyo ujeeddo midaysan oo qaran iyo horumar midaysan iyo wax wada qabsi midaysan yeeshaan, waxana ay ku yeelanayaan in Dawlaha Hoose ee magaalo maamulaya dadku wada doorto oo haddii ay wax qalloociyaan la wada qaban karo”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray,“Waxa kale oo soo kordhaya talo-wadaag, waayo golihii wakiilladu markuu hadlayo wuxuu ka hadlayaa baahida taalla halka ugu Bariyeysa, halka ugu Galbeedaysa, halka ugu koonfuraysa iyo halka ugu waqooyigyeysa.”

Dhallinyarada dalka, ayuu madaxweynuhu u diray farriin la xidhiidha maalinta doorashada iyo waajibka ka saaran qarannimada iyo ilaalinta nabadgelyada, “Dhallinyarada Somaliland waxan leeyahay sidii quruxda badnayd ee aad Ololaha u gasheen, uga hawlgala doorashada, waayeelkiinna caawiya, ka buka caawiya, askarta la shaqeeya oo muujiya qarannimadii aad muujiseen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa  uu shacabka usheegay in Badiba safiirradii iyo Diblomaasiyiintii Yurub iyo Maraykanka u fadhiyey dalalka Bariga  Afrika iyo siyaasiyiin badan oo miisaan lihi dalka yimaaddeen, islamarkaana ay qiimaynayaan qaan-gaadhnimada Dimuqraaddiyadeed ee Somaliland ka hirgashay iyo horumarka dhinaca Doorashooyinka ah.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay in dunidu inagu qiimaynayso hadba wixii aynu gacmaheenna ku qabsanno, kar kasta oo ay isku kalsooni iyo xilkasnimo muujinana halkeenna la inoogu iman doono, waxana uu yidhi,“Waxa hubaal ah in markaynu doorashadaas nabadgelyo ah ku dhammayno ee aynaan eegin qalad yar oo dhacay, waxa hubaal ah in qof kasta oo adduunka kamid ahi uu halkeenna inoogu iman doono, qof kastaana marka uu is sharfo ee uu qiimo isu yeello ayaa la ina qiimaynayaa, la inagu qiimayn maayo baryo, la inagu qiimayn maayo waannu is haynaaye kaalaya na kala qabta’e waxa la inagu qiimaynaa shaqsinimadeenna.”

Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq u diray dhammaanba xubnaha murrashaxiinta ah ee ka qaybgelaya doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana uu ugu baaqay inay u hoggaansamaan natiijada soo baxda, una tudhaan qarankooda iyo nabadgelyadaba.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir