fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaKomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Qaaday Tallaabo Dhaawici Karta Daah-Furnaanta Cod-Bixinta Doorashada

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Qaaday Tallaabo Dhaawici Karta Daah-Furnaanta Cod-Bixinta Doorashada

    

Isniinta Berri oo ku beegan 31-ka bisha May 2021, waxa guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland looga dareerayaa cod-bixinta doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaannada.

Doorashadan oo muhiim u ah Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland, ayaa waxa ka qayb-galaya goob-joogeyaal caalamiya, kuwaasi oo Maalmihii u dambeeyay dalka ku soo qul-qulayey, kuwaasi oo ay ku jiraan Suxufiyiin ka socda Warbaahin dunida caan ah.

Goob-joogeyaasha caalamiga ah iyo Suxufiyiinta dunida ka socda, ayaa kormeeraya goobaha cod-bixintu ka dhacayso, si ay u hubiyaan hannaanka doorashadu u dhacayso.

Goob-joogeyaasha caalamiga ah iyo Suxufiyiinta ka socda dalalka dibedda, ayaa la siiyey Waraaqo dhaqdhaqaaq oo uu diyaariyey Komiishanka doorashooyinku.

Laakiin, taa beddelkeeda Komiishanka doorashooyinka Qaranku wuxuu diiday inuu Waraaqaha dhadhaqaaqa siiyo Warbaahinta Madaxa-banaan ee Somaliland ka hawl-gala, taasi oo sida muuqata caqabad ku noqon doonta in Weriyeyaasha Maxaliga ahi ay gutaan waajibaadkooda Warbaahineed ee ay Qaranka ugu idman yihiin.

Waraaqaha uu Komiishanku u diiday inuu siiyo Suxufiyiinta Madax-bannaan ee gudaha dalka ka shaqeeya, ayaa saamixi lahaa in Suxufiyiintu Markhaati ka noqdaan sida doorashadu u dhacayso, soona tebiyaan dhacdooyinka imanaya inta cod-bixintu socoto sax iyo khaladba, laakiin haddii aanay helin Waraaqahaasi uma suurto-geli karto in gaadiidkoodu sameeyaan wax dhaqdhaqaaq ah, maaddaama oo Maalinta doorashada la joojinayo isku socodka gaadiidka.

Lama garanayo, sababta uu Komiishanku u qaatay Go’aanka caynkan ah, balse Guddoomiyaha Guddigaasi doorashooyinka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo Suxufiyiintu waydiiyeen waxa keenay go’aankan khaladka ah, ayaa sheegin cudur-daar lagu qanco.

Saa cadaha ka hadhay cod-bixinta doorashada, haddii aan Komiishanku wax ka beddelin waxay Tallaabadaasi dhaawac ku keeni kartaa daah-furnaanta doorashada, maaddaama oo aan fursad la siinin Suxufiyiintii la socon lahaa sida cod-bixintu u dhacayso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)