fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaHoggaanka Saddexda Xisbi oo Bulshada Ugu Baaqay Inay Ka Digtoonaadaan Talaabo Kasta...

Hoggaanka Saddexda Xisbi oo Bulshada Ugu Baaqay Inay Ka Digtoonaadaan Talaabo Kasta oo Wiiqi Karta Doorashada

    

Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee Somaliland, ayaa waxaa ay bulshada Somaliland u soo jeediyay in ay doorashada uga qayb-qaataan si nabad ah.

Waxaanay sidoo kale hoggaanka saddexda xisbi qaran ay bulshada Somaliland ugu baaqay inay ka digtoonaadaan talaabo kasta oo wiiqi karta habsami u socodka doorashada.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada Ucid Faysal Cali Waraabe, Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo si wada jir ah Warbaahinta ula hadlay, ayaa ku guubaabiyey guud ahaan Shacabka Somaliland inay si waddaniyad ku jirto uga qayb qaataan Codbixinta doorashada ee beri iyadoo qof kastaa xor u yahay cida uu dooranayo.

Hoggaanka Saddexda Xisbi qaran waxaa kale oo ay u soo jeediyeen Murashixiinta ku loolamaysa doorashooyinka isku sidkani inay maanka ku hayaan inuu soo idlaaday Ololihii doorashadu isla markaana ay u hoggaansamaan Shuruucda doorashadda.

Waa markii ugu horaysay Taariikhda geedi socodka Doorashooyinka Somaliland ee ay dalka ka dhacayaan Laba doorasho oo isku Lamaan oo ay ku kala tartamayaan golayaasha Deegaanka 552 Murashax halka ta golaha Wakiillada ay ku loolamayaan 246 Murashax oo guud ahaan isku noqonaya 798 Murashax.

Waxaanay doorashadu ka dhici doontaa 23 Degmo doorasho oo dalka oo dhan ah, waxana la hawlgeliyey 11,000 oo askari, si 2,709 oo goobood ammaankooda loo sugo, intaana waxa dheer ciidamadii kale oo heegan ku jira oo xuduudaha dhammaantood xidhaya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir