fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaDibad-baxyo Lagaga Soo Horjeedo Reer-galbeedka oo Ka Socda Itoobiya

Dibad-baxyo Lagaga Soo Horjeedo Reer-galbeedka oo Ka Socda Itoobiya

    

Waxaa magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo qaybo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida ka socda dibadbaxyo waa weyn, iyadoo Kumannaan dibadbaxayaal ahi ay isugu soo baxeen waddooyinka dalka Itoobiya.

Bannaanbaxan, ayaa lagaga soo horjeedaa sida ay sheegeen dowladaha shisheeye ee farogelinta ku haya arrimaha gudaha Itoobiya iyo horumarka dalkaas.

Dibadbaxayaasha, ayaa sidoo kale sitay boodhadh lagu taageerayo biyo xidheenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhisayso Webiga Nile.

Farriimaha ay dibadbaxyaashu gudbinayeen, ayaa waxaa ka mid ahaa; waxa aan codsanaynaa go’aammada iyo fikirrada khaldan ee ay dowladda Maraykanku kula kacday Itoobiya in ay dib uga fiirsato, biyo-xidheenku waa kayga, in waddan la faro-gashado arrimihiisa gudaha waxay meel-ka-dhac ku tahay sharciga caalamiga ah, Itoobiyaaniintu uma dhabar-jabaan faro-gelin shisheeye, masuuliyeenteenna innagaa soo dooranayna iyo halku-dhegyo kale oo aad u badan.

Sawirrada Madaxweynaha Ruushka iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayay siteen qaar ka mid ah dibadbaxayaashu iyadoo xidhiidhka Itoobiya iyo Mareykanka  oo ay mar xulafo dhow ahaayeen  uu sii xumaanayo.

Bannaanbaxan, ayaa sidoo kale ka socda qaybo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ay ka mid tahay magaalada Dhagaxbuur.

Telefishinka Dowlad Deegaanka ee SRTV, ayaa soo tebiyay in shacabkii bannaanbaxayay ay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan cid walba oo ka xun horumarka Itoobiya.

Mareykanka, ayaa dhowaan xayiraado ku soo rogay dalka Itoobiya taas oo la xidhiidha colaaddii ka dhacday gobolka Tigray ee weli saameynteedu ay taagan tahay.

Xayiraaddan cusub waxay saameyneysaa dhanka dhaqaale iyo taageeradii dhanka amniga ee Mareykanka uu siin jiray Itoobiya.

       

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)