fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaChelsea oo Markii Labaad Ku Guuleystay Koobka Champions League (SAWIRRO)

Chelsea oo Markii Labaad Ku Guuleystay Koobka Champions League (SAWIRRO)

 Kooxda Chelsea, ayaa markii labaad ku guuleystay koobka Champions League, kaddib markii ay 1 gool kaga adkaatay kooxda Manchester City, kulankii final-ka ahaa ay ku wada ciyaareen garoonka Estadio do Dragao magaalada Porto ee dalka Portugal.

Qeybta hore ee ciyaarta, ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 43-aad kooxda kubadda cagta Chelsea, ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-o ka dhigay Kai Havertz, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkii Mason Mount.

Qeybta labaad ee Ciyaarta markii dib laysugu soo laabtay labada dhinac, ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balsé ugu dambeyntii ciyaarta, ayaa ku dhammaatay 1-o ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Manchester City, kulankii final-ka ahaa ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Estadio do Dragao magaalada Porto ee dalka Portugal, taasoo ka dhigtay in Blues ay ku guuleystay koobka Champions League markii labaad Taariikhda.

        

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)