Haldoornews.com
Maydka Marxuum Somali ah oo Jarmalka Laga helay iyo Muslimiin Kabadbaadiyay in Xabaalaha Gaalada lagu Darro.
May 28, 2021 - Written by admin

Ilaahay ha u naxariisto qabrigana ha u nuuro waxaa 26 kii bishii ramadan ku geeriyooday magaalada kamnez ee gobolka sachsen walaal soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray cali muuse sida la sheegay maydkiisii waxaa lasoo wareegay walaalo muxsiniin ah oo aasa dadka muslimka ah ee ku geeriyooda berlin iyo nawaaxigeeda.

waxaa lagu aasi doonaa 01.06.2021 xabaalaha Gatow ee Spandau Berlin sida ay ila wadaagtay Bisharo Jama Salah oo ah gabadh walaasheen ah oo xil wayn iska saarta inta badan aasaska iyo hawlka kasta oo caam ah oo wax loogu qabanayo soomaalida degan berlin brandenburg.

Alle Ha unaxariistee Marxuum cali ehelkiisii wali lama helin , hadaba walaalayaal halasii gudbiyo si ay u arkaan ehelkiisii ama cid garanaysaa.
Magaca : Cali Muse
G.dhalashada : Moqdisho
T. dhalashada : December.1966

COMMENTS
Arimaha Diinta