15.2 C
Hargeisa
Tuesday, February 7, 2023

Musharax Cabdinaasir Qodax oo Cuduudiisa Taageero Ku Soo Bandhigay Hargeysa

Sidoo kale, taageerayaasha musharax Cabdinaasir Qodax, ayaa iyaguna soo bandhigay wacdaro la yaab leh oo ay ku muujiyeen Cududda awoodooda Taageero ee ay la barbar taagan yihiin Musharaxiintooda, iyagoo lulayay boodhadh ay ku xardhan yihiin astaanta musharaxa.

Taageerayaasha musharax Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo ku gaashaanaa Astaanta iyo Lambarka Musharaxa, ayaa waxa ay ka soo kala dhaqaaqeen Saaka Waaberigii Xafiisyada Olalaha Doorashooyinka ee Musharaxu ku leeyahay Degmooyinka Caasimaddda Hargeysa.

Geesta kale, Musharax Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo fagaaraha Beerta Xoriyada kula hadlay taageerayaashiisa, ayaa taageerayaashiisa uga mahadnaqay sida ay ula garab taagan yihiin taageeradooda, waxaanu ku booriyay inay si la mid ah sida ay maanta u muujiyeen Cuduudooda ay u muujiyaan maalinta Codka.

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta