fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaGuddiga Doorashooyinka oo Digniin U Diray Ururrada Samafalka Ee Caalamiga Ah iyo...

Guddiga Doorashooyinka oo Digniin U Diray Ururrada Samafalka Ee Caalamiga Ah iyo Kuwa Maxalliga Ah

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac)
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac)
    

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta soo saaray Warqad ay ku socodsiiyeen Dhammaan Ururrada ka shaqeeya Samofalka iyo Horumarinta ee Maxaliga ah kuwa Caalamiga ahba.

Guddiga Doorashooyinku waxa ay urrurada Samafalka ugu baaqeen inaanay ku dhex milmin ololaha doorashooyinka ee Xisbiyada Qaranka iyo Murashaxiintooda, sida ku xusan Xeerka Doorashada Xeer Lr. 91/2020 oo sheegaya in Urrurada Samofalka ay ka reebban inay u ololeeyaan Musharixiin gaar ah ama Axsaabta siyaasadda.

Qoraalka ka soo baxay guddiga Doorashooyinka Somaliland ee lagu socodsiiyay Ururrada Samatal-falka, ayaa u qornaa sidan:-

“Ujeeddo: Ogeysiin

Komishanka Doorashooyinka Qaranka wuxuu idiinku wargelinaynaa in aanay ka qayb qaadan Ololaha Xisbiyada & Musharaxiinta oo ay dhex ka ahaadan. Waxaa ka mamnuuca ah in shaqaalahooda iyo Gaadiidkoodu u Ololeeyaan Cid gaar ah.

Sidaas darteed, cid kasta oo ay ku cadaaddo in ay ka baxeen dhexdhexaadnimadii ama cid gaara gacan siinaya waxaa laga qaadayaa talaabo sharci ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay warqadda ay KDQ ku socodsiiyeen Ururrada Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)