fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaXildhibaano Ka Tirsan Guurtida iyo Wakiillada oo Ka Hadlay Marxaladda Dalka iyo...

Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida iyo Wakiillada oo Ka Hadlay Marxaladda Dalka iyo Doorashooyinka

 Xildhibaano ka kala tirsan Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku halkay marayso.

Waxaanay sidoo kale ay xildhibaanadu ay ka hadleen Doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland ku soo foosha leh, waxayna ku taliyeen in aad la iskaga ilaaliyo wax kasta oo carqalad keenaya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka tirsan Golaha Guurtida, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika waxaa ugu horeyn Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud wuu hadalkiisi ku bilaabay “Bishii Ramadaan baynu ka soo baxnay, Ciiddi baa inoogu xigtay, waxaa inagu xigay sannad guuradii 30 ee ka soo wareegtay gooni isutaageenii, imikana waxaynu diyaar u nahay inaynu galno Doorashooyinka isku sidkan ee kala ah Wakiilada iyo Deegaanka, imikana sidaynu wada ognahay wax walba wey inoo dhan yihiin, wax inaga qabyo ah ilaa haddana ma jiraan, Doorashooyinkuna waxay inoo dhacayaan 31 bishan, sidaas awgeed waxaan leeyahay Mucaarad iyo Muxaafidba, Dawlad iyo Dadweynaba, Doorashooyinkani ha inoo noqdaan Doorashooyin lagu wada farxo, oo lagu wada qanacsan yahay, oo aad ha lla iskaga ilaaliyo wax kasta oo carqalad iyo dhib ku ah, oo dadku si fiican ha u coddeeyaan, oo ha laga feejignaado fiiro gaar ahna ha loo yeesho wax kasta oo nabadeena wax yeelo ku ah”.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed wuxuu isna yidhi “Doorashooyinkii baynu diyaar u nahay inaynu galno dhawaan ciddii ALLE gaadhsiiyo, waxaana leeyahay si asluubi ku jirto ha ololaha ha loo galo, oo ha la iska ilaaliyo caadifadda, naxliga iyo qabyaaladda, oo qof walba oo xaq u leh inuu coddeeyo cidda wuu doono ha u coddeeyo, maxaa yeelay Doorashooyinkan oo aynu mar wada galayno waxay inoo noqonaysaa tijaabo, haddii aynu si fiican u qabsano sumcad iyo maamus baynu ka helaynaa caalamka, cadawgeenana dhabar jab bay ku tahay,wax kasta oo amniga ka hor imaanaya ha la iska ilaaliyo, oo Shacabku dhankiisa ha ka ilaaliyo amniga”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)