fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaCiidamada Itoobiya oo Weeraray Cisbitaal Ku Yaalla Gobolka Tigray

Ciidamada Itoobiya oo Weeraray Cisbitaal Ku Yaalla Gobolka Tigray

     Ciidamada Itoobiya, ayaa weerar ku qaaday cisbitaal ku yaalla waqooyiga magaalada taariikhiga ah ee Aksum ee gobalka Tigray, iyagoo baadi goobaya xubno katirsan kooxda TPLF .

Ciidamada, ayaa qoryo ku qabtay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka waxayna su’aalo weydiiyeen bukaannada dhaawaca ah, waxaa sidaasi wakaaladda wararka ee AFP u sheegay shaqaalaha caafimaadka oo magacyadooda qariyay.

Sidoo kale, askarta ayaa dadka dhawaacayada qaba ka qaadayay faleebooyinka ku xidhnaa iyagoo dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha ku cabsi galinayay qoryaha.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, oo taageerta cisbitaalka, ayaa xaqiijisay dhacdadan, war ay soo saartayna waxay ku sheegtay in askartu ay cabsi galiyeen shaqaalaha isla markaana ay u hanjabeen.

“Waxaan aad uga walaacsan nahay xadgudubyada joogtada ah ee kooxaha hubeysan ay ku hayaan howlaha caafimaad,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay soo saartay MSF.

Raiisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sanadkii hore amar ku bixiyay in weerar lagu qaado gobolka Tigree kadib markii dagaalyahannada kooxda TPLF ay weerareen fadhiisimo milateri oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka Itoobiya.

Isku dhacyadaas oo muddo socda, ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof tiro intaasi ka badana way ku barakaceen

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)