Haldoornews.com
Musharixiinta Golaha Deegaanka Gabiley Oo Maayarka Gabiley Ku Eedeeyay Ku Tagrifalka Hantidii Umadda .
May 16, 2021 - Written by admin

“Waxaanu Nahey 39 Murashax oo Golaha Deegaanka Ka Sharaxan, Sida Sharcigu dhigayo 39kayagaa Murashax ee Ka Sharaxan Sadexda Xisbi Qaran Isku Midbaanu Nahay Isku Xuquuq ayaanu Nahay, Majiro Nin Nin Ka Awood Sareeyaa, Waxa Weeyi in Maayarkii hore Maxamed Amiin Ku ololaysto, Awoodii Maayarka Waa Xaaraan, Waa Xaaraan oo Waa Sharci Jabin in uu Boodhkiisa Ku Qorto Maayar Waxa u Xalaal ah inuu Ku Qorto Murashax Sida Maayarkii hore ee Berbera, Cabdishakuur Cidin” Ayuu yidhi.

“Waxa Kale oo Xaaraan ah in uu Dadla Masaakiinta ah ee Deegaanada Baadiyaha Been u Sheego Isagoo Leh Maayarkii baan ahey Dugsi iyo Cusbitaal ayaan Idiin dhisayaa, Wuxuu ula Siman Yahey 39ka Murashax Kii Soo Bixi Doona iyo Kii Maayar Noqon doona Waa Gacan uur kujirta ilaahaybaa Garanaya, Ma Sheegi Karno Maanta, Komishanka ayaanu Dacwadiisa u Gudbinaynaa, Sababtoo ah Hantidii Dadweynaha ka Dhaxaysay ayuu u Adeegsanayaa,ololihiisa Gaarka ah Basbuurtii Magaalada oo dhan, 50$ ayuu ku Kireystay Maalintii iyadoo astaatiisa lagu soo buufiyay, Boodhadh Waaweyn ayuu Samaystay, oo Meel Walba ka taagay Oo Xabadiiba ay Tahey 1600$ Halka uu Maayar Kuxigeenkii Ka dhigay Baabuurkii uu Watey ee Degmada” Sidaa WXa Yidhi Mid Kamid ah Murashaxiinta Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, oo Si adag uga Biyo Diiday Ololaha Maayarka ee Awoodii Dawlada.

COMMENTS
Arimaha Diinta