News

Qaban-qaabada Xaafladda Caleema Saarka Suldaanka Beesha Cabdale Abokor oo si weyn looga dareemayo Magaaladda Hargeysa

Byadmin

May 11, 2021

Hargeysa (Haldoor news)- Waxaa magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland si weyn looga dareemayaa Caleema saarka Suldaanka guud ee Beesha Cabdale Abokor Suldaan Cabdirisaaq Xaaji Axmed Sheekh Ismaaciil.

Xafladda Caleema saarka Sudaan Cabdirisaaq Xaaji Axmed Sheekh Ismaaciil, ayaa waxaa ay qaban qaabadeedo ka soCotaa magaaladda Hargeysa, iyadoona ay xaflada Caleema saarka Suldaanku ay noqonayso tii ugu balaadhnayd ee Suldaan lagu Caleemo saaro.

Sidoo kale, Xaflada Caleema saarka Suldaan Cabdirisaaq Xaaji Axmed Sheekh IsmaaCiil ayaana 25 bishan May ka qabsoomaysa Huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Suldaan Cabdirisaaq Xaaji Axmed Sheekh Ismaaciil, ayaa ah suldaan ah suldaan dhalinyaro ah islamarkaana mudo ku noolaa dalka dibadiisa.

Waxaana xaflada Caleema saarka Suldaan Cabdirisaaq Xaaji Axmed Sheekh Ismaaciil lagu martiqaaday Salaadiin, Caqaal, Waxgarad ka kala yimid goboladda iyo degmooyinka Somaliland iyo deegaanada kale ee Soomaalidu degto, sidoo waxaa iyana xaflada soo qabgelaya Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo marti sharaf kale

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *