Haldoornews.com
Jaalliyada Somaliland ee Jarmalka oo Deeq Raashin ah Gaadhsiiyay Danyarta Xaafada Daami ee Magaalada Hargeisa.
May 5, 2021 - Written by admin

Hargeisa (Haldoornews)-Jaalliyada Somaliland ee Dalka jarmalka ayaa Deeq Raashin ah soo Gaadhsiisay Danyarta ku Dhaqan Xaafada Daami ee Magaalada Hargeisa
Deeqdan oo ay Jaalliyadu Ugu talo gashay Taakulaynta Danyarta Reer Somaliland ayaa La gaadhsiiyay Afartan Qoys Waxaana halkaasi ka Qayb galay Suldaan Abu-Sufyaan Maxamed Muuse iyo Masuuliyiin Kale Kuwaasi oo Jaalliyada Somaliland uga Mahadnaqay Gargaarka ay Walaalohood Soo Gaadhsiiyeen Tobankii Danbe ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

COMMENTS
Arimaha Diinta