fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaHeshiis Laga Gaadhay Ciidamadii Qalalaasaha Ku Yimid Muqdisho

Heshiis Laga Gaadhay Ciidamadii Qalalaasaha Ku Yimid Muqdisho

Heshiis Laga Gaadhay Ciidamadii Qalalaasaha Ku Yimid Muqdisho

0
509
    

Muqdisho (Hargeisa Press) – Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu gaadhay heshiis lagu soo afmeeray qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo ee 25-kii bishii April ka dhacay magaalada, iyada oo la isku raacay in ciidamada laga saaro magaalada.

Heshiiskan ayaa waxaa lagu gaadhay kulan galabta ka dhacay Muqdisho oo ay ka qayb galeen, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Midowga Musharaxiinta oo ay ugu horreeyaan Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh, madaxweynayaasha HirShabelle iyo Galmudug, iyo guddiga ka kooban 11-ka xubnood ee loo xil saaray arrintan.

Guddiga ayaa sheegaya in qodobada heshiiska galabta lagu gaadhay magaalada Muqdisho lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka dhashay muddo kororsigii uu sameeyey Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo uu saxeexay Madaxweyne Farmaajo.

Qodobada heshiiska ayaa u qoran sidan:

In dhamaan ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

In xuquuqda ciidamadaas sida mushaarka, darajooyinka iyo xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raaci karin wax ku saabsan dhacdadaas.

In si gooni ah loo xaliyo saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida darajooyinka, mushaaraadka iyo xuquuqda kale ee ciidan.

In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

In Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

In ayna ku milmin arrimaha siyaasadda.

In ayna bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

In la magacaabo guddi khubaro ciidan ah oo kala taliya Ra’iisal Wasaaraha dib u habaynta ciidamada qaranka.

In aan ciidamada qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xidhay.

Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisal Wasaaraha iyo madaxweynaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)