fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararka“Berbera corridor waxa uu ka qayb qaadanayaa is-dhex galka bulshadda Geeska Afirca...

“Berbera corridor waxa uu ka qayb qaadanayaa is-dhex galka bulshadda Geeska Afirca iyo

    

Madaxa DP World u qaabilsan mashruuca Berbera Corridor, Mr. Angus Miller oo munaasibadda ka hadlay, ayaa caddeeyey inay ka go’an tahay dhammaystirka waddadan muhiimka, isaga oo intaas ku daray inay hawsha waddada wax badan ka qabteen, kuna dedaali doonaan inay ku dhammaystiri doonaan muddo 22 bilood ah.

Safiirka dawladda Ingiriiska Amb, Kate Foster oo ay dawladdeedu maalgelinayso mashruuca waddadan, ayaa iyaduna ku dheeraatay muhiimadda ay waddadani u leedahay qaranka Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayso isu socodka gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo yaraynta cidhiidhiga xagga gaadiidka ah ee haysta caasimadda Hargeysa.

Danjiraha dawladda Britain ee dalka Soomaaliya Ms. Kate Foster, ayaa mashruuc weyn oo wax u tar u leh wadamadda Afrika oo dhan ku tilmaantay hirgelinta jidka isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya ee Berbera corridor.

Waxaanay sheegtay in jidkani uu faa’iido u leeyahay isku gudbinta ganacsiga iyo alaabooyinka ka soo degaya dekadda Berbera iyo wadamada kale ee gobolka ku yaalla ee aan Badda lahayn.

Hirgelinta jidka Berbera corridor waxaa iska kaashanaya dawladaha Itoobiya, Ingiriiska, Imaaraadka Carabta iyo shirkaddo kale, ka qayb qaadashadda UK ee hirgelinta jidkan Berbera corridor ayay Ms. Kate Foster, ku tilmaantay mid ay dawlad ahaan aad ugu faraxsan yihiin.

Safiirka dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ms. Kate Foster, waxay sidan ka sheegtay hadal ay maanta ka jeedisay munaasibad loo qabtay xadhig ka jarista 20KM oo ka mid ah jidka Berbera corridor oo lagu qabtay dhinaca barri ee magaaladda Hargaysa.

Waxaanay tidhi, “Dhismaha jidkani Berbera corridor waxa uu muhiim u yahay badeecadaha ka soo degayadda dekadda Berbera. Sidoo kale waxa uu faa’iido u leedahay mashruucani in gobolku uu horumar ku tallaabsaday.

Waxaanan si gaara ugu faraxsanahay in dawladda UK ay qayb ka tahay maalgelinta mashruucani. Kaasoo taageeraya waxna ku soo kordhinaya awoodsiinta isku socodka ganacsiga  iyo alaabooyinka soo maraya jidkan Berbera corridor, iyo ganacsiga isaga kala gudbaya gobolka geeska Africa”.

Ms. Kate, waxa kaloo ay sheegtay in dawladda UK ay mar kasta muhiimadda siiso waxyaabaha horumarka ah ee dunidda oo dhan, sidaas darteedna jidkan Berbera corridor uu kuwaasi qayb ka yahay.

“Dawladda UK waxay muhiimadda saartaa dhinacyadda horumarka ee dunidda oo dhan. Iyadoo tanina ay qayb ka tahay fursadaha horumarinta ee dhinaca jidadka. Hirgelinta jidkani Berbera corridor wax muhiim ah ayuu u yahay dawladda UK iyo saaxiibadeeddaba.

Jidkani Berbera corridor waxa uu al-baab laga soo gallo u yahay Africa oo dhan. Waxaanan rejaynaynaa in sanadaha soo socda ay waxtar u soo kordhin doonto Berbera iyo saaxiibadda kale ee qaybta ka ah, sida shirkadda DP World” ayay tidhi Ms. Kate Foster.

Geesta kale, danjiraha UK  oo shalay booqasho ku timid Somaliland iyadoo ay wehelinayeen xubno kale, waxay sheegtay in ay rejaynayaan in jidkani uu sanadaha soo socda ka qayb qaadan doono is-dhexgalka iyo isku socodka bulshooyinka wadamadda Geeska Afrika.

“Wadadan Berbera corridor waxa uu sanadadda soo socda faa’iido u keeni doonaa gobolka Geeska Afirca iyo isku gudubka bulshadda iyo ganacsiga. Waxaanu qayb ka qaadan doonaa is-dhex galka bulshadda Geeska Afirca iyo dunidda kale”ayay tidhi danjiraha UK ee Soomaaliya Ms. Kate Foster.

Dhinaca kale Ms. Kate Foster, ayaa intaas raacisay, “Xadhig ka jarista dhismahan qaybta ka ah jidka Berbera corridor waxaa kii u horeeyay oo noociisa ah oo aan ka qayb gallo, waanan ku faraxsanahay, fursad baanay ii tahay in aan maanta munaasibadan idinkala soo qayb gallo.Sidoo kalena waa mashruuc faa’iido u leh gobolka.

Waxaanan rejaynayaa in aan mar kale ka soo qayb geli doono ama arki doono iyadoo uu dhamaaday mashruucani oo uu shaqaynayo”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir