fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMadaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi Xadhiga Murrashaxiinta Mucaaradka?

Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi Xadhiga Murrashaxiinta Mucaaradka?

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horaysay waxaa uu ka hadlay xadhiga Murrashaxiinta xisbiyadda Mucaaridka.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in murrashaxiinta la xidhay aanay ku koobnayn uun xisbiyadda Mucaaridka oo ay jiraan saddex murrashax oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan islamarkaana laba ka mid ah lagu xukumay min Hal sanno.

Madaxweynaha ayaana waxaa uu sheegay in musharax kasta oo lagu helo danbi la xidhayo mucaarid iyo muxaafid-ba.

Waxuu uu sidoo kale sheegay Madaxweynuhu in ay jiri karaan musharixiin danbiyo galay laakiin sharcigu aanu helin, waxanu sheegay in la qaban doono marka la ogaado danbiga ay sameeyeen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa si gaar ah uga hadlay kiiska murrashax Qasim Aadan Saleebaan oo ka sharaxan Xisbiga Waddani, kaasi oo loo haysto dembi ah inuu gacan-saar la leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa tilmaamay in xisbiyada mucaaradka ay xaq u leeyihiin in ay sheegaan wixii qaldan ee ay tabanayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)