Hay’adda gargaarka ka shaqaysa ee Save The Children, ayaa waxaa ay sheegtay in ku dhowaad 5,000 oo carruur iyo waalidiintood ay ku kala irdhoobeen colaadda ka taagan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.
Dad badan oo ka baxsaday colaadda ayaa gaadhay xeryo cooshado ka sameysan. Hay’adda Badbaadada carruurta ee Save The Children, waxay sheegtay in carruurtan ay u nugul yihiin gaajo iyo xadgudubyo kufsiga iyo jinsiga.
Waxay sheegtay in hay’addaha gargaarka ayna gaadhi karin inta badan gobolkaasi, taasna ay sababtay in carruurta ay iyagu is quudiyaan.
Lix bilood ka dib markii dagaalka uu ka bilowday gobolka Tigray, illaa 1.7 milyan oo qof ayaa ka barakacay guryahooda.
Qaramada Midoobey waxay sii wadaa in ay ka digto in xaaladda nololeed ee gobolka ay ka sii darayso.
Waxay sidoo kale ka digaysaa in xogta xadidan ay muujinayso in uu jiro “heer laga digo” oo ku saabsan macluusha Tigray ka jirta inay saameysay carruurta, haweenka uurka leh iyo hooyooyiinka naas-nuujinaya.