fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaGuddoomiyaha Guurtida oo Bulshada Ugu Baaqay Inay U Diyaar Garoobaan Ka Qayb-qaadashada...

Guddoomiyaha Guurtida oo Bulshada Ugu Baaqay Inay U Diyaar Garoobaan Ka Qayb-qaadashada Doorashooyinka

    

 Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shacabka Somaliland u soo jeediyay in ay u diyaar garoobaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka isku sidkan ee bishan May dabayaaqadeeda dalka ka qabsoomi doona.

Saleebeebaan Maxamuud Aadan, oo hadal ka jeediyay fadhi uu shirgudoominaayay oo ay yeesheen xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa wuxuu guud ahaan bulshada Somaliland u soo jeediyay in ay ka qayb-qaataan doorashooyinka, waxaanuu gudoomiye Saleebaan bulshada kuw aaniyay in ay dhawraan ammaanka iyo shuruucda u yaal doorashooyinka.

Guddoomiye Saleebaan, waxa kale oo xildhibaanda golahaas u soo jeediyay in ay xukuumadda, komishanka iyo xisbiyada qarankankaba kala qayb qaataan dadaalada ku saabsan wacy’gelinta doorashooyinka, si doorashooyinkaasi u noqdaan kuwo ku qabsooma jawi degan oo nabad-gelyo ah.

Geesta kale, guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland wuxuu ka hadlay dhibaatada ka dhalan karta roobabka maadaama oo la galay xili roobaadkii, waxaanuu u soo jeediyay in ay ka feejignaadaan meelaha biyo mareenada ah iyo dooxyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir