fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaBuurmadoow oo Ku Hanjabay Arrin Horseedi Doonta Geerida Midnimada Somaliland, Haddii Aan...

Buurmadoow oo Ku Hanjabay Arrin Horseedi Doonta Geerida Midnimada Somaliland, Haddii Aan Xabsiga Laga Sii Dayn Gen. Doolaal

    

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu caansan Somaliland, ayaa ka hadlay arrinta Generaal Doolaal oo bilihii u dambeeyay ku xidhan jeelka dhexe ee Hargeysa.

Jaamac Doolaal oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa Maxkamadi xukun ku ridday, ka dib markii lagu eedeeyay inuu xidhiidh la sameeyay Qof ay ehel yihiin oo ku sugan Dalka Soomaaliya.

Boqor Buur-madow oo qoraal ku baahiyay Barta uu ku leeyahay Facebook, ayaa si adag uga hadlay Xadhigga Doolaal, waxaanu sheegay in haddii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku soo deyn waydo  Doolaal muddo 3 Maalmood ah inuu ku dhawaaqi doono arrin khatar ku ah Midnimada Beelaha Somaliland.

Buur-madow ayaa qoraalkiisa ku yidhi  “Arirnka Taliye Doolaal samirkii wuu ka dhamaaday, saddex cisho gudahood haddii aan lagu sii dayn aniga oo ku hadlaya afka Madax-dhaqameedka beelaha Habarjeclo, waxaan ku dhawaaqi doonaa arrin aanay Somaliland mahadin oo horseedi doona Geerida midnimadii beelaha Somaliland.”

Boqor Buur-madow waxa kale oo uu sheegay “Waan arkayey gudida Habar jeclo oo shirwayne ku baaqaysa, Habarjeclo ma shiri doonto, waxay u baahan tahay talo xumada Muuse Biixi In lala gudhiyo, Muuse Biixi dalka talo colaadeed buu ku waday muddadii uu xilka hayey, waxaa loo baahan yahay in lala qaato mar haddii aan la helayn cid qabata iyo cid looga ergoodo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Beelaha habarjeclo gudo iyo dibed saddex cisho ha iga war sugeen, saddexdaa cisho Muuse ama waynu ka war sugi doonaa colaad Iyo nabad kuu kagataliyo arrinta Doolaal, haddii uu siidaayo waa nabad, hadduu diido, dhawaaqayga suga iyo go’aanka Salaadiinta Iyo dhaqanka oo aan ku dhawaaqi doono haddii Alle idmo, habarjeclo ha u diyaar garawdo fulinta go’aanka..”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir