fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaWasaaradda Warfaafinta Oo Iska Difaacday Eeddo Uga Yimid Xisbiga Waddani

Wasaaradda Warfaafinta Oo Iska Difaacday Eeddo Uga Yimid Xisbiga Waddani

    

Wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa ka jawaabtay eeddaymo xisbiga uga yimid xukuumadda tallada hasya iyo isla wasaaradda warfaafinta.
Eedahaasi oo uu dhawaan jeediyay xoghayaha guud ee xisbiga Waddani ayaa la xidhiidhay musuq maasuq ay gashay xukuumadda madaxweyne Biixi gaar ahaana wasaaradda warfaafinta.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab), waxaa loogu baaqay xisbiga Waddani inay soo caddeeyaan lacagaha ay ku eedeeyeen inuu lunsaday wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).


Sidoo kalena ay lagama maarmaan tahay in xisbiga Waddani bulshada iyo haayadaha sharcigaba u soo bandhigo caddaymaha iyo Dhukumentiga uu u hayo in Idaacaddii Qaranka ee ku jirtay miisaaniyaddii 2020-kii uu musuqmaasuqay wsiirka Warfaafintu.
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:
“Xisbiga WADDANI ayaa eedaymo culus u soo jeediyey Xukuumadda Somaliland ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Warfaafinta, hase yeeshee waxa lagama maarmaan ah in Xisbigu bulshada iyo Hay’adaha sharcigaba u soo bandhigo caddaymaha iyo Dhukumentiga uu u hayo in Idaacaddii Qaranka ee ku jirtay miisaaniyaddii 2020-kii uu musuqmaasuqay Wasiirka Warfaafintu.
Masuuliyiinta Qaranku waxay huwan yihiin karaamadii iyo sharaftii ummadda eedaha loo soo jeedinayaana waa inay noqdaan qaar xaqiiqadooda la hubo, balse maaha in si male-awaala oo ku sallaysan qaaciidada mu’aamaraadka ee la xidhiidha karaamo dilka iyo kutumashada xuquuqda qofka.
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI waxa uu sheegay in Madaxweynuhu khasnada dawladda ku soo celiyey SHAN BOQOL OO KUN oo Doolar, taasi oo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI uu ku tilmaamay in laga soo celiyey Wasiirka Warfaafinta, taasi oo ah mid aanay waxba ka jirin caddaynteedana looga fadhiyo xisbiga WADDANI inay horkeenaan Hay’adaha sharciga.
Geesta kale, Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in afar xubnood oo murrashaxiin ka ahaa xisbiyada UCID iyo WADDANI ay ku eedaysan yihiin inay xidhiidh la leeyihiin cadowga JSL. Sidaas darteed, may ahayn inuu xisbiga WADDANI noqdo sidii ‘Layligii ka didi jiray biyaha kashkiisa ku jira’, balse maadaama aanay cidna sharciga ka sareyn waxa nidaamku ahaa inay ka dhursugaan Hay’adda Garsoorka ee may ahayn inay bulshada ku jaho-wareeriyaan dood aan xiligeedii la gaadhin.
Wasaaradda Warfaafintu waxa ay u gudbinaysaa Hay’adda sharciga ee dalka eedaymaha culus ee uu Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ku eedeeyey Wasiirka Warfaafinta”.
Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab).

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)