fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dawladda UK

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dawladda UK

    

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Britain u fadhiya dalka Soomaaliya Ms. Kate Foster.
Safiirka oo maanta booqasho ku yimid Somaliland waxaa wehelinayay madaxa xafiiska UK ee Somaliland iyo xubno kale.


Ma jiro wax war ah oo ay madaxyootadda Somaliland ka soo saartay kulankan uu madaxweyne Biixi la yeeshay weftigan ka socda dawladda Ingiriiska.
Hase yeeshee, sida ay sheegayaan warar aanu helnay kulankaasi ayuu madaxweyne Biixi, safiirka UK iyo xubnaha la socday ugaga waramay hanaanka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka cod iyo qofka ah ee la filayo in ay dhawaan dalka ka qabsoomaan.


Gaar ahaana doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka oo qorshaysan in ay 31-ka bishan qabsoomaan.
Sidoo kale ayaa la sheegay in ay labadda dhinaca kaga wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda Ingiriiska, oo ka dhexeeyo xidhiidh dhinacyo badan leh oo muddo u dhexeeyay.
Geesta kale, boqortooyadda Britain ayaa ka mida dawladaha reer Yurub ee muddo badan sida weyn u taageera dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.
Sidoo kale UK ayaa Somaliland ka taageerta mashaariicda horumarinta, arrimaha amaanka iyadoo ka caawisa dhinaca tababaradda ciidamadda khaaska ah ee la dagalaanka Argagixisadda iyo arrimo kale.


Isla kulankan maanta ayay wararku sheegayaan in weftiga Ingiriiska iyo madaxweyne Biixi in ay kaga wadahadleen mashaariicda horumarinta ee arrimaha bulshadda ee ay dawladda UK ka taageerto.
Dhinaca kale, kulankaasi ayay labadda dhinaca iskula soo qaadeen xaaladaha amni darro iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan wadamo ku yaalla gobolka Geeska Afrika.
Sida ay tibaaxayaan warar laga helay kulankaasi, inkastoo aanay aanay jirin warar rasmi ah oo laga soo saaray kulankaas.
Kulankaasi waxaa dhinaca Somaliland madaxweynaha ku wehelinayay wasiirrada Maaliyadda Sacad Cali Shiree, Qorshaynta qaranka Xasan Gaafaadhi iyo masuuliyiin kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)