fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaRoobab Ka Da’ay Saylac Oo Xanibay Gawaadhida Xamuulka iyo Shaqadii Kastamka

Roobab Ka Da’ay Saylac Oo Xanibay Gawaadhida Xamuulka iyo Shaqadii Kastamka

    

Roobab xoogan oo maalmahan ka da’ay deegaamo ka tirsan gobolka Selel ayaa xanibaad iyo dhibaato ku keenay shaqadii maamulka magaaladda iyo isku socodkii gaadiidka xamuulka sida.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya magaaladda Saylac roobabkaasi ayaa sababay in ay qaadeen laba gaadhi oo Xamuul siday,  kuwaasoo ka yimid dhinaca dalka jabuuti, isla markaana ku socday degmada Tog-wajaale.

Waxa kaloo ay  Daadadkaasi qaadeen gaadhigii kuwa gurmadka deg-dega ah ee degmada Xariirad, kaasoo markii danbe laga soo bad-baadiyay Daadkaasi.

Roobabkaasi oo shalay ilaa xalay ka da’ayay magaaladda Saylac iyo nawaaxigeeda ayaa  saamayn ku yeesha isku socodka gaadiidka isaga kala gudbaya xuduudka Jabuuti iyo Somaliland.

Sidoo kale waxa tan iyo shalay hakad galay shaqadii Kastamka cashuuraha Saylac, iyadoo ilaa iyo hadda ay weli  gaadiid kala duwan oo siday alaabooyinkii Ciida ku xaniban yihiin gudaha Kastamka magaaladda Saylac.

Geesta kale, ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ay sababeen Daadadkaasi ka dhashay roobka, marka laga reebo xanibaadda iyo hakadka shaqo ee ku yimid kastamka Saylac iyo gaadiidka xamuulka sida ee naxiban.

Sida uu wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA u sheegay xoghayaha fulinta dawlada hoose ee degmada Saylac Cilmi Sahal Faarax.

Sidoo kale masuuliyiinta degmada Saylac ayaa fariin digniin ah u diray guud ahaan bulshadda,  waxaanay u soo jeediyeen in ay ka dig toonaadaan halista ka dhalan karta Daadadka ka dhashay roobabka Gu’ga ee curtay.

Si kasta ha ahaatee, marka la gaadho xiliga Gu’ga ee ay roobabku da’ayaan ayaa Daadadka ka dhashaa waxay sababaan in khasaare ka soo gaadho gawaadhida xamuulka sida ee  ka yimaadda dhinaca dalka Jabuuti.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)