Friday, March 29, 2024
HomeWararkaLaascaanood: Ururka Kaalmee Kuwan Oo Raashin U Qaybiyay Danyar iyo Agoomo

Laascaanood: Ururka Kaalmee Kuwan Oo Raashin U Qaybiyay Danyar iyo Agoomo

    

Ururka Kaalmee Kuwan ayaa maanta magaaladda Laascaanood  raashin ugu qaybinay 200, oo qoys oo isugu jiray Agoomo iyo danyar kale.

Qoysaskan danyarta ah iyo dadkan Agoonta ahaa waxaa soo xulay sida ay u kala mudan yihiin culimadda magaaladda Laascaanood.

Raashinkaasi la qaybiyay ayaa isugu jiray qaybo kala duwan oo kala ahaa Sonkor, Daqiiq, Bariis, Saliid iyo Timir, sida uu sheegay Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ka socday mashruuca Kaalmee Kuwan.

Waxaana caawimadaasi soo bixiyay dad muxsiniin ah oo sadaqaysanaya, oo doonaya in xiligan Ramadaanta lagu jiro ay dadka walaalahood ah ee baahan caawiyaan.

Kuwaasoo codsiyo ay u direen ururka Kaalmee Kuwan ka soo jawaabay, isla markaana soo bixiyay caawimadan raashinka ah.

Geesta kale, ururka Kaalmee Kuwan, ayaa hore magaaladda Burco  uga soo fuliyay raashin qaybintan oo kale, iyadoo ay u sii gudbayaan dhinaca magaaladda Garoowe, halkaasoo ay sidan oo kale raashin ugu soo qaybin doonaan dadka masaakiinta ah.

DAAWO: Warkaasi:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version