fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaJidka Isku Xidha Kalabaydh iyo Wajaale Oo Daadad Waxyeelo Gaadhsiiyeen

Jidka Isku Xidha Kalabaydh iyo Wajaale Oo Daadad Waxyeelo Gaadhsiiyeen

    

Roobab xoogan oo maalmahan ka da’ayay gobolka Gabiley ayaa waxyeelo soo gaadhsiiyay jidka isku xidha Kalabaydh iyo Wajaale.

Waxaanay roobabkaasi bur-buriyeen qaybo ka mid jidkaasi, iyadoo Laami ah ayaanay Daadadkii roobkaasi ka dhashay jareen.

Badhasaabka gobolka Gabiley iyo masuuliyiin kale iyo saraakiil booliska ka tirsan ayaana maanta kormeer qiimayn ah ku soo maray jidkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Gabiley Cabdikariin Aadan Xaaji, ayaa sheegay in wadadaas ay soo gaadheen xubno ka socday wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta  jidadka Somaliland. Kuwaas oo qiimeeyay dhibaatada wadadaas ay roobabkaasi soo gaadhsiiyeen.

Waxaanuu guddoomiye Cabdikariin intaas ku daray in sida ugu dhaqsaha badan looga hawl-gali doono waxyeelada soo gaadhay wadadaas.

Geesta kale, tliyaha ciidanka nabad-gelyada wadooyinka ee gobolka Gabiley Deeq Xaashi Guuleed, ayaa isna sheegay in goobtaas ay ku sugnaan doonaan ciidanka nabadgelyada Somaliland ee gobolkaas.

Kuwaas oo ka shaqayn doona sidii ay u kala hagi lahaayeen gaadiidka isticmaala jidka isku xidha Kala-baydh iyo Wajaale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)