Haldoornews.com
Musharax Sh. Faysal Mohamed oo ka Sharaxn Degmada Gabiley ayaa Bulshada la wadaagay Sababta uu isu sharaxay.
April 27, 2021 - Written by admin

Magacayga oo sadexadni waa Sh Faysal Maxamed Cumar ahna Musharax u tartamaya Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Sanadkan 2021 ka. Ujeedada ka dambeysa inaan noqdo musharax golle deegaan waxay ahayd in dib markii deegaanka aan ka soo jeedo ay ii garwaaqsadeen inaan ahay masuulkii u qalmayey jagadaas leeyahana aqoonteedii, kartideedii iyo daacadnimadeedii.

Waxbarashadaydii Dugsiga Hoose iyo Saraba waxaan ku soo qaatey Dugsi la yidhaa Cismaan Binu Cafaan kuna yaala kililka shanaad ee Dawlad Deegaanka Itoobiya. Waxbarashadaydii jaamacadda waxaan ka soo baxay Jaamacad ku taala wadanka Yamen halkaas oo aan ku soo bartey qanuunka. Sidoo kalana waxaan shahaadada (postgraduate) ka qaatey jaamacadda Hargeysa takhasuskayguna waxa uu ahaa shareecada islaamka halka jaamacadda  Badder international University aan ka dhameeyey cilmiga Islamic Banking.

Khibrada iyo waaya araggnimada shaqooyinka aan leeyahay waxay kala yihiin sidan hoos ku faahfaahsan: 13 sano oo aan ahaa macalin iyo maamule guud dugsiyada Al furqaan iyo Noradin Schools iyo 2 sano oo aan ahaa xogyaha wajaale.

Mar Labaad, waxaan ahay musharax u tartamaya golaha deegaanka degamda Gabiley, hadii aad ii doorataan inaan noqdo murashax golle deegaan waxaan noqon doonaa dirane idiin adeega, kana shaqayn doona baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada ku dhaqan degmada gabiley. Waxaan idiinku adeegi doonaa aniga oo Ilaahay Talo saaranaya si daacadnimo, hawlkarnimo, hufnaan iyo isla xisaab tan leh buuxin doonana dhaman baahiyaha kala duwan ee uu tirsanayo gobolku.

Waxa xaqiiqo jirta ah in qaar badani oo xildhibaano ahi balan qaadyo kala duwan idiin sheegay ay ka soo bixi waayeen balamohoodi balse anuu waxaan kaga gadisanahay maadaama aan ahay nin ahlu diin, daacad ah in aan hawshaa culus ee aan masuuliyadeeda idiin qaadayo aan sida ugu wacan uga soo bixi doono. Xilka aan manta aan rabo maaha mid aan ku rabo inaan xoolo ku sameeysto, maaha mid ay igu dhalisay dan gaar ah oo aan leeyahay balse waxa igu dhiiri galiyey waa damqasho iyo dareen diineed oo aan rabo inaan umadayda ugu adeego.

Ugu dambeyn, muwaadin waxaad maanka ku haysaa in is badal dhab ahi aanu ka horayn codkaaga isla markaana aad iigu hiiliso sidii aan u noqon lahaa musharax dhabta ah ee idinku matala xildhibaanada golaha deegaanka degamda Gabiley, anigu aan idinku shaqeeyo sidii aan wax badan uga qaban lahaa bilicda iyo baahiyaha kala duwan ee dagmada gabiley anigoo Allah Swt la kaashanaya.

 

ALLAH MAHAD ISKA LEH

FAYSAL MAXAMED CUMAR

MUSHARAXA GOLOHA DEEGAANKA DEGMADA GABILEY

COMMENTS
Arimaha Diinta