fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaSomaliland oo Lagu Amaanay Doorashooyinka Ay U Jihaysatay

Somaliland oo Lagu Amaanay Doorashooyinka Ay U Jihaysatay

Doorashooyinka Somaliland
Doorashooyinka Somaliland
    

Dalka Somaliland ayaa u jihaysatay dhinaca doorashooyinka, waxana ay 31-ka Bisha May ee sannadkan ka qabsoomaya doorashooyinkii u horreeyay ee isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Shacbiga Somaliland ayaa baraha bulshada kaga dareen-celiyey dedaalka loogu jiro qabsoomid doorashada, iyadoo Komishanka Doorashooyinku ay soo saareen tirada guud ee dadka lagu wado inay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka soo socda oo tiradoodu tahay  1,297,838 oo qof. Halka doorashooyinku ay ka qabsoomayaan 1, 642 goobood oo ku kala yaalla 23 degmo doorasho.

Ra’yul-caamka bulshada ayaa aaminsan in doorashooyinka oo si nabadgelyo ah inoogu qabsoomaa ay guul u tahay hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi oo juhdi geliyay sidii mar loo wada qaban lahaa doorashooyinkii dhaqaalaha badani dalka kaga bixi jiray.

Suxufiga caanka ah ee Raage Oomaar ayaa Bartiisa Twitterka kaga hadlay doorashooyinka Somaliland, waxaanu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay heshiis la gashay xisbiyada mucaaridka iyadoo aan wax farogelin ah aanay ku lahayn beesha caalamku.

Waxa  kaloo uu Raage Oomaar ku amaanay Somaliland in xukuumaddu ay maalgelisay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.

Doorashooyinka Somaliland ayaa sidoo kale farriin cad u ah  farqiga u dhexeeya Somaliland oo dimuqraadiyadeedu jiridaysatay  iyo Soomaaliya oo ku guuldaraysatay isku-dayadeedii la xidhiidhay inay gasho doorasho, taasi oo sida xunbada u soo gudhay islamarkaana uu Madaxweyne Farmaajo Baarlamaanka ka ansaxday muddo kordhin 2 sannadood ah oo ay ka horyimaadeen murrashaxiintii la loolamaysa iyo qaar ka mid ah Maamul-goboleedyada ka jira dalkaas colaaduhu ragaadiyeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)