News

Gudoomiyaha Golaha Ajaanibta ee Magaalada Kassel Oo Markii ugu horeysay Loo Doortay Qof Madaw ah oo Somali ah. Daawo Sawirro iyo Muuqaalkii Goobta

Byadmin

Apr 24, 2021

Gudoomiyaha Golaha Ajaanibta ee Magaalada Kassel ayaa Markii ugu horeysay Loo Doortay Qof Madaw ah oo Somali ah, Golahan oo Lashaqeeya isla markaana Latalin siiya Golaha Deegaanka Kassel ayaa Afartankii Sanno ee Golahaasi Jiray Markii koowaad Loo Doortay Abdillaahi Wacays oo ka mid ah Somalida Magaalada Kassel ku Dhaqan.

Abdillaahi Wacay oo Tobankii Sanno ee ugu Danbeeyey ka Shaqaynayay Arimaha Bulshada ayaa Golahan Hogaamin Doonta Shanta Sanno ee Soo Socda.

Golaha Ajaanibta oo ka Kooban 37 Soddon kursi oo ay ka mid yihiin Sagaal Somali ah ayaa Laga Rajaynayaa in ay Wax ka Qaban Doonaan Caqabadaha Somalida ka Haysta Dhalashada Wadanka, Waraaqaha Guurka iyo Sharciyada Somalida oo aan laga Aqoonsanayn Gobolka Hessen.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *