fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaShirkii Golaha Wasiirrada oo Laga Soo Saaray Qodobbo Ku Saabsan Doorashooyinka, Xanuunka...

Shirkii Golaha Wasiirrada oo Laga Soo Saaray Qodobbo Ku Saabsan Doorashooyinka, Xanuunka Covid-19 iyo Amniga

    Shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta ayaa lagu lafo-guray arrimaha amniga dalka, xanuunka Covid-19 iyo u diyaar garowga doorashooyinka golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

War-saxaafxadeedka madaxtooyada ka soo baxay ayaa lagu yidhi sidan, “Fadhigii 74aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somdaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa maanta lagu lafo-guray arrimaha amniga dalka, xanuunka covid 19 iyo diyaar garowga doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka.

Ugu horreyna goluhu waxa uu warbixinno ka dhegeystay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta oo warbiximo la xidhiidha amniga dalka iyo dedaalka loogu jiro in nabad lagu dhammeeyo dirirtii beelaha walaalaha ah ee gobolka Sool gaar ahaan Ceel-biyoodka dhabar-dalool ee deegaanka xuddun. Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysay wasiirka horumarinta caafimaadka oo golaha xog ka siiyey xaaladda uu marayo xanuunka covid 19.

Waxaanu goluhu shirka ka dib soo saaray qodobbo:-

1)    Goluhu isagoo ka duulaya nabad waarta oo laga gaadho dirirta ku dhexmartay beelaha walaalaha ah ceel-biyoodka Dhabar-dalool wuxuu go’aamiyey in Xukuumaddu sii xoojiso, si buuxdana uga hawl-gasho nabadaynta deegaanka gobolka Sool, gaar ahaan goobaha ay colaaddu ku dhex-martay labadaa beelood.

Iyadoo xukuumaddu xoojinaysa taageerada ay la barbartaagan tahay waxgaradka, waayeelka, odayaasha iyo haweenka nabadda jecel ee ku hawllan nabadaynta. Goluhu waxa uu Alle uga baryey naxariis iyo dembe dhaaf 19-kii qof ee ku dhintay colaadaas, waxaanay u ducaynayaan in uu caafiyo intii dhaawacyadu ka soo gaadheen dirirtaasi.

2)    In xukuumadda ay ka go’an tahay inay si buuxda gacanta ugu qabato, sugidda amniga doorashada qabsoomi doonta 31 May 2021-ka, isla markaana Xukuumaddu si weyn diyaar ugu tahay cid kasta oo cadaw ku ah  Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hawlan carqaladaynta qabsoomidda doorashooyinka. Waxaanu goluhu Shacbiga Somaliland ku baraarujinayaa inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan cid kasta oo ku hawlan wax-yeelaynta waddankooda, gacan buuxdana la barbar istaagan oo kala  shaqeeyaan nabadgelyada ciidammada kala duwan ee dalka.

3)    Goluhu wuxuu warbixin ka dhegeysay wasiirka horumarinta caafimaadka oo golaha xog ka siiyey xaalada uu marayo xanuunka covid 19, isagoo xusay in  fidistii xanuunka Covid 19, aanu kor u kicin, hoosna u dhicin, balse uu halkiisi taagan yahay, dhimashadiisuna badan tahay wakhtigan, isagoo shacbiga u soo jeediyey inay si dhammaystiran u qaataan tallooyinka ka hortagga covid 19 ee bahda caafimaadka.

4)   Ugu danbayn golaha wasiiradu waxay Mawjadaha Geeska Afrika ka socda, ka yeesheen dood iyo falan-qayn dheer, waxaanay u xil-saareen Guddida siyaasadda ee golaha Wasiirradu inay soo dersaan, tallo urursana ku soo celiyaan fadhiyada dambe ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland yeelan doono.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)