fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaKoox Hubeysan oo Qabsatay Deegaano Ka Mid Ah Ethiopia

Koox Hubeysan oo Qabsatay Deegaano Ka Mid Ah Ethiopia

    

Koox hubeysan ayaa la wareegtay gacan ku haynta degmo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Ethiopia, iyaga oo sida lagu warramay dilay dad shacab ah islamarkaana afduubtay shaqaale dowladeed, waxaa sidaas warbixin ku sheegay Arbacadii Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia, ee dowladda ay soo magacowday.

Guddiga ayaa sheegay in warbixino ay heleen ay sheegayaan in Sedal Woreda oo ku taalla galbeedka gobolka Benishangul-Gumuz “ay si buuxda gacanta ugu hayaan koox hubeysan tan iyo 19-kii April.”

Guddiga ma sheegin cidda ay yihiin kooxdan hubeysan. Deegaanka ayaa waxaa ku nool qiyaastii 25,000 oo qof, sida uu sheegay guddiga.

Gobolka Benishangul-Gumuz ayaa bilihii dhowaa waxaad aad uga dhacayey rabshadaha qowmiyadaha, waxaana bishii December ka dhacay weerar lagu dilay 200 oo qof oo shacab ahaa.

Gobolkan ayaa waxaa wada degan dhowr qowmiyadood oo ay ka mid yihiin Gumuz iyo Amxaaro, waxaana hareeyey weeraro is-daba joog ah oo la isugu jawaabayo.

“Dad ka soo qaxay deegaanka ayaa Guddiga Xuquuqda Aadanaha u sheegay in kooxda hubeysan ay gubeen oo ay bililiqeysteen hanti dowladeed iyo mid shacab. Sidoo kale mas’uuliyiintii deegaanka ayaa ka cararay. Waxaa jira warbixino sheegaya shacab la dilay iyo shaqaale dowladeed oo la afduubtay,” ayaa lagu yidhi warbixinta guddiga.

Guddiga ayaa intaas ku daray in tiro yar oo ahaa ciidamada deegaanka ay ka awood iyo tiro bateen kooxda hubeysan.

Ethiopia ayaa la xarbinaysa inay xakameyso rabshado qowmiyadeed iyo kuwa siyaasadeed kahor doorashooyinka qaran ee dhacaya bisha June.

Reuters

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)