fbpx
Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaDowladda Kenya oo Ka Hadashay Qunsulka Ay U Magacowday Somaliland

Dowladda Kenya oo Ka Hadashay Qunsulka Ay U Magacowday Somaliland

Home 
    

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Ababu Mamwamba, ayaa kulan la yeeshay diblomaasiyiin uu ku jiro qunsulka  cusub ee Kenya u soo dirayso Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Barta Twitterka ay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, waxa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Ababu Mamwamba uu diblomaasiyiintaas kala hadlay Xidhiidhka caalamiga ah iyo  diblomaasiyadda, hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ma ay shaacin magaca qunsulka ay Somaliland u soo magacowday.

Somaliland iyo Kenya ayaa iskaashigooda diblomaasiyadeed sii xoogaysanayey sannadihii u dambeeyey, waxana Somaliland ay tobankii sannadood ee la soo dhaafay ku lahayd Xafiis Wakiil oo ka shaqeeya isku-xidhka masaalixda iyo danaha labada dawladood.

Kenya waxa ay ku soo biirtay dalalkii Somaliland ku lahaa Xafiisyada oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Turkiga, Ingiriiska iyo Taiwan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir