Friday, March 24, 2023
HomeWararkaSomaliland Oo Ka Qayb Galaysa Shirka Dhalinyaradda Afrika Ee Kigali

Somaliland Oo Ka Qayb Galaysa Shirka Dhalinyaradda Afrika Ee Kigali

    Waxaa maanta si rasmiya uga furmay magaaladda Kigali ee caasimadda dalka Rwanda shirka dhalinyaradda qaaradda Afrika.


Shirkaasi waxaa ka qayb galay masuuliyiin iyo dhalinyaro ka kala socota wadamadda qaaradda Afrika.
Shirkan oo loo yaqaano African Youth leadership ayaa Somaliland waxa ay ka mid tahay waddamada sida khaaska ah loogu martiqaaday.


Iyadoo ay shirkaasi ka qayb gelayaan xubno dhalinyarro reer Somaliland ah.
Waxaana dhalinyaradaasi ka mid ah C/fataax, oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland.
Qoraal kooban oo uu kaga hadlayay ka qayb galkoodda shirkaasi ayuu ku sheegay in ay sharaf u tahay Somaliland in ay shirkaasi ku metelaan.


Waxaanu yidhi, “Sharaf waynbay noo tahay in aan qaranka Somaliland ku matelno shirka hogaaminta iyo horumarinta dhalinyarada Africa oo ka dhacaya magaaladda Kigali ee caasimadda dalka Rwanda”.
C/fataax, waxa kaloo uu sheegay in hadal shirkaasi ka jeediyay uu ku dul istaagay sida ay Somaliland fursadaha u siisay dhalinyaradda.


“Shirka oo aan hadal ka jeediyey waxaan dul istaagay sidda ay Somaliland u tahay dal fursad u siiyey dhalinyaradu in ay door muhiima ka qataan hogaaminta dalka” ayuu yidhi danjire C/fataax.
Geesta kale, xubnaha dhalinyaradda reer Somaliland ee shirkaasi ka qayb gelaya waxaa ka mid ah agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali.


Agaasime Sacad Maxamed Gado, danjire C/fataax oo ka tirsan xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ee magaaladda Addis Ababa iyo C/qaadir Dayib Askar, oo isna ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)