fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaQatar Oo Iska Difaacday Eedayn Uga Timid Safiirkii Hore Ee Maraynka Ee...

Qatar Oo Iska Difaacday Eedayn Uga Timid Safiirkii Hore Ee Maraynka Ee Soomaaliya

    

Dawladda Qadar ayaa iska difaacday eedo uga yimid safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya Mr. Stephen Schwartz.

Qatar waxay beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya u soo mariso agaasimaha haayadda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) Fahad Yaasiin.

Eedayntaas ayaa ku jirtay waraysi uu shalay  idaacadda VOA siiyay safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Stephen Schwartz.

Waxaanu waraysigaasi ayuu Mr. Stephen ku sheegay in ay jiraan lacago sharci darro ah oo ay dawladda Qadar siiso dawladda federaalka Soomalaiya, isla markaana loo marsiiyo Fahad Yaasiin oo ah agaasimaha haayadda nabad sugidda Soomaaliya.

Taasoo uu sheegay Mr. Stephen in Fahad Yaasiin uu ka helay awood iyo saamayn siyaasadeed.

Qoraal ay dawladda Qatar u soo dirtay idaacadda VOA  ayay ku sheegtay in aanay jirin lacag suuq Madow ah oo ay Soomaaliya geliso iyo in heshiis qarsoodi ah uu jirro.

Sidoo kale qoraalkaasi ayay dawladda Qadar ku sheegtay in ay door wax dhisid ah ka ciyaarto Soomaaliya, taasoo ay uga gol-leedahay in ay ku caawiso madax banaanidda, deganaanshiyaha iyo horumarinta dalka Soomaaliya.

Waxa kaloo ay Qadar qoraalkeedaasi ku sheegtay in dedaaladeedda iyo mawqifkeedu uu la mid yahay ka qaramadda midoobay iyo ka saaxiibadda kale ee beesha caalamka.

Waxaanay sheegtay Qadar in mawqifkeedda ay marar badan ku muujiyeen qoraallo wada jir ah oo ay soo wada saareen beesha caalamka.

Qoraalka ay Qadar kaga jawaabaysay eedaha safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya ayay sidoo kale ku sheegtay in sanadkii 2019-kii ay dawladda Qadar ku taageertay dawladda Soomaaliya miisaaniyadeedda lacag dhan $20 milyan oo dollar.

Sidoo kale in intii lagu guddo jiray xanuunka safmarka ah ee Covid-19-ka, in Qadar ay Soomaaliya u soo dirtay sahay caafimaad oo deg deg ah loogu baahnaa, si wax looga gaysto in Soomaaliya ay la dagaalanto xanuunkaasi.

Geesta kale, waxay xuseen in sanduuqa horumarinta ee Qadar fund uu sii waddo inuu kaalmeeyo mashaariic looga gol-leeyahay awood gelinta dhalinyaradda, abuurista  shaqooyinka ee Soomaaliya.

Taasoo ay soo raacdo dhismeyaasha Waddooyin dhawr ah oo ku yaalla hal-bawlaha magaaladda Muqdisho.

Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay in dedaaladaasi ay door muuqda ka qaadanayaan xal u helista xasilooni dhaqaale oo Soomaaliya hiigsanayso.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)